U bood dhigaalka

Macalin Wax Ka Dhiga Jaamacaddaha Muqdisho oo Qarax Miino Lagula Eegtay Magaalada Muqdisho (Sawiro Iyo Dhageysi)

Sheeko:Dalka

Waxaa goor dhaw qarax Miino oo aad u xoogan lala eegtay mid ka mid ah Barayaasha mid ka mid ah Jaamacadaha Muqdisho  ee magaalada Muqdisho, kaasi oo dhaawac xoogan soo gaaray.

Gaariga ayaa la sheegay in lagu soo rakibay Miinada, waxaana uu qarxay xilli uu marayay wadada Taleex ee Magaalada Muqdisho.

Macalinkaan Gaarigiisa lagu qarxiyay ayaa lagu magacaabaa Cabdixaliim Axmed Nuur, waxaana Jaamacadda Muqdisho uu dhigayay maalmaha Khamiista iyo Jimacaha.

Qaraxa ka dib, waxaa goobta gaaray taliyaha Booliisak degmada Hodon Maxamed Daahir iyo Sidoo kale ciidamo badan oo Booliis ah.

Maxamed Daahir ayaa sheegay in qaraxaan ay ka dambeeyaan dad uu ku sheegay in ay yihiin Nabad diid, waxaana shacabka uu ka codsaday in ay ciidamada amaanka kala shaqeeyaan amaanka.

Xaaladda guud halka uu qaraxaan ka dhacay xilligaan waa mid caadi ah, iyadoo Dhaawaca macalinka loo qaaday mid ka mid ah Isbitaalada ku yaala magaalada Muqdisho.

SIXITAAN

Waxaan ka cudur daaranaynaa in Cabdixaliim uu ka tirsanyahay Jaamacadda SIMAD, taasi badalkeeda waxa uu Bare ka yahay jaamacad kale oo aanan wali xaqiijinin oo Muqdisho ku taala

 

Halkaan Hoose ka dhageyso.

Halkaan Hoose ka daawo Sawirada

IMG_5183

IMG_5176

IMG_5173

IMG_5177

IMG_5191

IMG_5201