Taliska Booliiska Degmada Luuq Oo Beeniyay In Degmadaasi Uu Ka Jiro Is Qab Qabsi Dhanka Maamulka Ah (Dhageyso)
Taliska ciidamada Booliiska ee degmada Luuq ayaa waxba kama jiraan ku sheegay in degmadaasi uu ka jiro is qab qabsi dhanka maamulka ah, taasi oo dhawaan gacan ka hadlay dhalisay.
Taliyaha saldhigaasi Siyaad Cabdiqaadir ayaa u sheegay Goobjoog Fm ayaa tilmaamay in xaaladda guud ee degmada Luuq ay tahay mid degan, waxaana meesha uu ka saaray in halkaasi ay gaareen maamulka cusub ee dhawaan uu soo magacaabay maamulka KMG ee Jubba.
“Wax maamul ah oo Kismaayo laga soo magacaabay ma jiraan, niman Garbahaareey ka yimid ayaa jira, maamulna ma ahan oo magaalada ayeey iska dhex joogaan, xaalad kacsanna malahan” ayuu yiri Taliyaha
Dhanka kale waxa uu Siyaad Cabdiqaadir uu faah faahin ka bixiyay howlgalo ciidamada amaanka ay dhawaan ka sameeyeen degmada Luuq, waxaana uu sheegay in amaanka lagu sugaayay, ayna jiraan dad lasoo qab qabtay.
Waxaa dhawaan degmada Luuq kasoo if baxay is qab qabsi dhanka maamulka ah, waxaana jirtay in taasi ay hakad ku keento adeegyadii bulshada.
Halkaan Hoose ka dhageyso.
Goobjoog News