U bood dhigaalka

Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashii Oo Maanta Hortagaya Xidlhibaanada Baarlamaanka

Sheeko:Baarlamaanka

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa la filayaa in maanta uu hortago xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo la filayo in su’aalo la weydiiyo.

Ra’iisul wasaaraha ayaa halkaasi waxa uu ka jeedin doonaa khudbad ku aadan qorshe howleedka xukuumadda uu hogaamiyo iyo mudadii uu xilkaasi hayay waxyaabaha u qabsoomay.

Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa la filayaa in ay su’aalo weydiiyaan Ra’iisul wasaaraha marka khudbaddaasi uu dhameeyo, waxaana sidoo kale kulanka maanta ay xildhibaanada uga hadli doonaan ajendeyaal kale oo muhiim ah.

Ammaanka xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho ayaa aad loo adkeeyay, waxaana xusid mudan in la xiray qaar ka mid ah wadooyinka gala xaruntaasi.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Insha Allah.

Goobjoog News