Burundi: Ciidamo Ku Dagaalaya Gacan ku heynta Garoonka, Raadiyaha iyo Telefishinka Dalka
Waxaa Caasimadda Burundi ka bilowday dagaal aad u culus, Waxaa la soo sheegayaa in haatan ciidammada dalka Burundi ay u kala jabeen laba dhinac: koox taageersan inqilaabka iyo kuwa ka soo horjeeda.
Dagaalka ayaa bilowday kadib markii Janaraal Godefroid Niyombareh uu ku dhawaaqay Afgambi ka dhan ah Madaxweynaha dalkaasi Pierre Nkurunziza isagoo sheegay in la dhisay guddiga badbaadinta qaranka si ay dalka u maamulaan mudada soo socota.
Dagaal ayaa hadda la sheegaa in uu ka socdo Garoonka diyaaradaha, Raadiyaha iyo Telefishinka dalkaasi, kuwaas oo isku dayaya in mid walba uu gacanta ku dhigo
Pierre Nkurunziza ayaa diyaaradii siday Tanzania dib ugu laabatay, halkaas oo uu kaga qeybgalay kullan madaxeedka wadammada gobalka Bariga Afrika ee looga hadlayay xaalada dalkiisa.
Mr Nkurunziza oo dalkaasi ka talinayey ilaa 2005, Waxaa uu dhawaan damcay in mar sedexaad uu doorashada isku soo taago taas oo dadweynaha dalkaasi dibad baxyo uga jawaabeen.