95 Qof Oo Ka Mid Ah Soomaalida Yemen Ayaa Maanta Kasoo Degaya Magaalada Muqdisho
Magaalada Muqdisho Waxaa maanta kusoo wajahan diyaarad sida muwaadiniin Soomaaliyeed oo muddo ku dhibanaa dalka Yemen oo dagaallo ka socdaan.
Dadkaan diyaaradda ay soo qaaday ayaa tiro ahaan gaaraya 95 qof, waxaana iska kaa shaday soo qaadistooda dowaladda Federaalka Soomaaliya iyo hay’adda socdaalka aduunka IOM.
Gudoomiyaha Guddiga Qaxootiga Qaranka Soomaaliyeed Axmed Daahir ayaa u xaqiijiyay Goobjoog News in dadkaan maanta laga soo dejin dejin doono garoonka diyaaradaha Aadan cadde ee magaalada Muqdisho.
Waa markii ugu horeysay oo muwaadiniin Soomaaliyeed oo ka mid ah dadkii ku sugnaa dalka Yemen loo soo qaado magaalada Muqdisho, tan iyo markii ay bilawdeen dagaaladda Yemen.
Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Insha Allah.
Goobjoog News