U bood dhigaalka

Wasiirka Arimaha Gudaha Oo Soomaalida Ku Dhibban Yemen Ugu Yaboohay Mushaarkiisa Bishan

Sheeko:Dalka

Idaacadda Goobjoog waxaa haatan si toos ah uga baxaya barnaamij loogu gurmanayo walaalaha Soomaaliyeed ee ku dhibban dalka Yemen, kuwaasi oo u baahan gacanta umadda Soomaaliyeed.

Guddiga Badbaadinta Iyo Samatabixinta Qaxootiga Soomaaliyeed ayaa Idaacadda kala hadlaya shacabka Soomaaliyeed, iyadoo shacab badan iyo sidoo kale mas’uuliyiin ay qadka Taleefanka soo galeen.

Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Federaalka xukumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odawaa oo isna qadka taleefanka Goobjoog News soo galay ayaa sheegay in uu ku yaboohay Bil mushaarkeeda uu isaga qaadanayay, taasi oo uu ku sheegay 5-kun oo doolar.

“Waxaan ku yaboohayaa maadaama loo gurmanayo walaalaheena, waxaan ku yaboohayaa Hal Bil oo mushaarkeyga ah, waana 5-kun Oo doolarka Maraykanka” ayuu yiri Wasiirka.

Cid walba oo Soomaaliyeed waa maalintii loo baahnaa in ay u gurmadaan walaalahooda Soomaaliyeed ee ku dhibban dalka Yemen kuwaasi oo dushooda lagu dagaallamayo.

Dhageystayaasha Goobjoog news ee ku sugan dalka gudahiisa iyo dibadiisa waxa ay inoo soo wici karaan sidan:-

Ganacsatada: 0616564444

Dadweynaha: 0615525758

Dadka dibadda: 0617073557

Waxaad lacagta lagu shubi karaa

  • Accountiga Salaama: MQD 0028404
  • Accountiga Dahabshiil: 3058178
  • Teleefan EVC ah: 0617885353

Dadka dibadaha jooga waxay lacagaha si toos ah ugu soo diri karaan Gudoomiyaha gudiga Sheekh Nuur Baaruud oo laga helo: 0615303738 ama Marwo Batuulo Gabale, gudoomiye ku xigeenka gudigan oo laga helo: 0618949960

Goobjoog News