Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Sheegay In Ciidamada Iyo Shaqaalaha Dowladda Laga Jarayo Qidmooyin Lagu Caawiyo Soomaalida Yemen (Sawirro)
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in Shaqaalaha iyo Ciidamada Dowlada laga jarayo Qidmooyin Lagu Caawiyo Qaxootiga Soomaaliyeed Ee ku dhibban dalka Yemen.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh ayaa kulan kula qaatay magaalada Muqdisho guddiga bad-baadinta iyo samata bixinta Qaxootiga Soomaaliyeed ee Yemen, waxaana uu warbixin la xiriirta Qaxootiga Yemen uu ka dhageystay guddiga.
Kulanka ayaa waxaa goob joog ka ahaa xubnaha guddiga, xubno ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ugu horeyo Ra’isul Wasaaraha Dalka mudane Cumar C/rishiid Cali Sharmaarke.
Guddoomiyaha guddiga Bad-baadinta iyo Samtabixinta Sheekh Nuur Baaruud Gurxan ayaa ka hadlay howsha guddiga oo uu sheegay in dadaal badan ay sameeyeen oo loogu gurmanayo dadka Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan Yemen islamarkaana Dadka Soomaaliyeed ay ka soo uruuriyeen ayna gaarsiinayaan dadkaasi si Alla ka cabsi leh.
Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya in ay wado dadaalo islamarkaana ay ka badbaadineyso dadka Soomaaliyeed ee Yemen colaadu ku heyso wuxuuna xusay in shaqaalaha rayidka ah, Ciidamada qalabka sida, laga goynayo qidmooyin lagu caawinayo dadka Soomaaliyeed.
Ugu Dambeyntii Madaxweynha jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu baaqay guud ahaan shacabka Soomaaliyeed in ay caawiyaan dadkaasi Soomaaliyeed islamarkaana ay si walaaltinimo iyo ixtiraam ay ku jirto ay u soo dhaweeyaan muwaadiniinta Yeman ee dalkeena u soo qaxay oo uu tilmaamay in Yemen horey ay abaal weyn ay inoo galeen.
Halkaan Hoose Ka Daawo Sawirada
Goobjoog News