U bood dhigaalka

Maqaal: Federaalka Ma Difaaci Karaa Dalka ?-Taako

Bulshada Soomaaliyeed waa dad ood wadaag ah, waa dad isku ah arxan iyo xigto,  waa dad wadaaga dhaqan iyo dhalmo waana dad uu ka dhexeeyo dal iyo dad.

waxaa sidoo kale dhaqan Soomaaliyeed ah waligeedna soo jireen ahayd in ruuxii ka tagaa deegaan uu daganyahay safarna ku taga meel uusan deegaan ahaan kasoo jeedin ama uusan ku dhalan amaba u dhalan in loo marti qaadi jiray si heer sareysa ayadoo laga fiirinayo Soomaalinimada, ma dhicin haday dhacdayna ma ahan wax soo laalaabtay in ruux musaafir ah lagu diro wado cad ayadoo dhalmadiisa dambe loo eegayo.

Haddaba arintaas waxaa ka daba yimid oo raacdo ama sal guurin ku haya siyaasadda Soomaalidu ku wareertay, caqabadda dowladdu ay heer ka gaari la’dahay, kor u qaadaha guddoomiye goboleedyada iyo xumeeyaha xiriirka u dhexeeya Soomaalida waa siyaasadda federaalka.

Federaalka sida uu yahay markii loo fiiriyo waa in nidaamka dowladda la soo daadajiyo ama la gaarsiiyo meesha ugu hooseysa ayna ku suurta gali karto in dadka loo adeego.

Qofka jooga magaalada Baraawe uma sahlana inuu maxkamad ama adeeg kale usoo doonto magaalada Muqdisho hadaba markii uu shaqaynayo maamulka federaalka waxaa deegaankaas oo kale la gaynayaa adeegii bulshada si dadkaas meeshooda iyo degaanka ay dagan yihiin loogu adeego.

Laakiin federaalka dalkeena Soomaaliya laga hir galiyay ma yahay mid arintaas loogu tala galay?

Ma u adeegaa dadka mise waxaa looga dan leeyahay inuu kala gooyo ama kala qoqobo dalkeena Soomaaliyeed iyo dadkeena.

Waxaa jiray sheeko looga sheekeeyo ilmaha yar yar taas oo loogu tala galay in la xoojiyo isku duubnaanta caruurta walaalaha ah sheekadaas waxay ku billaabanaysaa,

waxaa jiray sadex sacaad oo lo’ ah kuwaas oo ku noolaa duurka waxay lahaayeen awood iyo isku tiirsanaan  ay isaga celiyaan bahaladii ay la noolaayeen oo mar kasta rabay inay cunaan, markii dambe waxaa dhacday in loo kala sheekeeyay oona la yiri sac madoobe waa idin khayaanaa markay ka lug furteenaa gooni loo cunay haddana midkii ganuudnaa ayaa gooni loo cunay, maalintii ugu dambeysay oo saccii caddaa ee ugu dambeeyay la cunayay ayaa waxaa u yiri oraah caan baxday oo ahayd “aniga maanta la ima cunin ee waxaa la I cunay maalintii sac madoobe la cunay”  wuxuuna kala jeeday haddii aan sacaas layga cuni lahayn maanta waan is kaashan lahayn.

Waxaa jirta oraah heer caalami ah oo ah “qaybi oo xukun” taas waxay tahay sheekadaan oo kale laakiin waxaa ay ugu baddalan tahay waxaa loo isticmaalaa uun siyaasadda, marka waxaad u malaysaa in federaalka ka jira Soomaaliya uu yahay qaybi oo xukkun.

Dhaqanka ma u dhalatay

Deegaanada Soomaaliyeed ee ay ka arimiyaan maamul goboleedyada waxaa ka jira arin la yiraah ma u dhalatay oo looga gol-leeyahay in qofkii deegaankaas wax usoo doonta aana ka mid ahayn dadka deegaanka aan wax qayb ah la siin taas oo mar kasta keenaysa in qof walba deegaanka uu u dhashay hayb ahaan uu wax ha heli karo.

Hadaba arintaan ma u dhalatay waxaa ay keenaysaa in qofka Soomaaliyeed ee kartida u leh inuu wax qabto uusan meel kasta wax ka qaban Karin ilaa deegaankiisa maahane.

Arintaas waxaa ka dhalan karta marka qof Soomaaliyeed uu dareemo in deegaan ka mid ah dalka loogu diido hayb ahaan ama deegaankaan uma dhalan ay hadhow keeni karto in qofkaas uusan deegaankaas tirsan oo haddii wax kasta ay ka dhacaan uusan u gurman asagoo dareemaya lehaan shiyo la’aan iyo in uusan deegaankaas wax ku lahayn.

Haddaba aan tusaale usoo qaadano haddii maamul ka mid ah kuwa hoos yimaada dowladda Soomaaliya ay dad kale oo Soomaaliyeed u diidaan deegaankaas waqti kadin haddii deegaankaas uu soo weeraro cadaw ama dowladaha deriska ah ma jiro qof horey loo xumeeyay oo usoo gurman doona deegaankaas maxaa yeelay maba ku jirto niyadiisa in dhulkaas uu wax ku leeyahay laakiin taas badalkeeda waxaaba niyadda uu iska leeyahay in si fiican loo weeraro ayaa fiican.

Cayaarta federaalka ah

Nin aan saaxiibo nahay ayaa ii sheegay sheeko dhex martay asaga iyo oday wax ka fahamsansaa federaalka Soomaaliya, sheekadaas waxa ay ku billaabatay:-

Cabdi: adeer Soomaaliya waxaa ka jira maamullo federaal ah oo aad arkayso  inay is barbar yaacayaan dowladdii dhexana ay isku awood yihiin kawaran arintaas.

Odaygii: adeer ciyaalku marka ay yaryar yihiin haddii odayga iyo habartu ka tagaan waxay sameeyaan in dhexdooda qaarkood ay noqdaa ama iska dhigaan aabe iyo hooyo ciyaartaas oo ilmuhu u yaqaanaan hooyo hooyeey ama aabe aabeey, taas mid la mid ah annagana waxaa naga burburay dowladdii dhexe oo wadanka ka talinaysay illaa haddana wax awood fiican leh ma hayno sidaas darteed qabiiladii ayaa waxay dheel dheelayaan dowlad dowlad si la mid ah caruur waalidkood ka maqan yahay.

Hadaba aqristoow deegaan Soomaaliyeed oo aan ognahay inta uu la egyahay cadawgiisu ma yahay mid lagu difaaci karo hooya hooyeey ama qabiil iska daafici kara miyaa jira dowladda kusoo duushay?

Taas jawaab teedu waa maya hadaba si cadawgeena aan isaga dhicino aan midowna iskana dayno hooyo hooyeey iskuna kaashano si la mid ah sida cadawgeenu uu isku soo kaashaday mar kastana uu u rabo in aan ahaano wadan burbursan.

Waxaan kaloo Soomaali dhammaanteed iyo qof kasta oo wadaniyad ku jirto rabaa inaan xasuusiyo wax aan ku waynay isku duubni iyo walaaltinimo in aanan federal iyo tafaraaruq ku helayn sidaas darteed aan muujino isku duubni iyo iskaashi walaaltinimo leh.

W/Q Mohamed Deik Tako

                                                                                        Maqaaladii hore ee Deeq Taako:

Maamulka Jubba iyo Baarlamaankiisa Ya Gafka Hor Galay?!!