U bood dhigaalka

Sooyaalka Sahanka Tirakoobka Dadka Soomaaliyeed

Sheeko:Dalka

Dhawaan dowladda federaalka oo kaashanaysa hey’adda tirakoobyada adduunka waxa ay soo saartay qiyaas lagu sameeyey inta ay dhanyihiin dadka ku nool Soomaaliya, kaasi oo markiiba keeney murano siyaasadeed iyo ku kala aragti duwanaansho u dhaxeeya dowladda iyo maamul goboleedyada.

Hadaba Goobjoog News oo si dhow ola socotey, dabogalna ku samaysay arrinka ayaa waxa halkan kusoo bandhigeysaa sooyaalka tirakoobyada lagu sameeyey Soomaaliya illaa iyo inta la ogyahay.

Tirakoobyaddii Ay Samaysay Dowladdii Dhexe intii u dhaxeysey 1975-1987

Tirada dadka Soomaaliya ku nooleyd marka laga qiyaas qaato tirakoobkii la sameeyey sanadkii 1975-tii ayaa waxa uu muujinayaa in dadka Soomaaliyeed ay ahaayeen 3.25 malyuun oo qof, waxaase muuqatay in uu jirey qalad ka dhacay tirakoobka oo hoos u dhigey tirada saxda ah boqolkiiba 20%, sidaasi darteed waxaa waxa ay dowladda jaangoysey tirakoobka oo ay ka dhigtey 4.089 milyan oo qof.

Markii lasoo gaaray sanadkii 1985-tii, wasaaradda qorsheynta qaranka oo isticmaalaysa halbeegyo kala duwan , ayaa waxa ay dadka Soomaaliya ku nool ku qiyaastey in ay dhanyihiin 5.4 malyuun oo qof, balse qiyaastani laguma darin 7 boqol kun oo qof oo markaasi kasoo qaxay dagaalkii gobolka Ogaden ee 1977-dii ee dhexmaray Soomaaliya iyo Itoobiya.

Waxaa kale oo tirakoobka lagu daray  illaa boqol kun oo qof oo markaasi ka shaqeysanayay waddamada gacanka Carbeed, kuwaasi oo ay dowladda u aragtay in ay yihiin muhaajiriin si kumeelgaar ah dalka oga maqan.

Tirakoobkii ay dowladda samaysay intii u dhaxaysay 1986 illaa 1987-dii waxaa ka jiray hubanti la’aan badan, waxaana markaasi dadka lagu qiyaasay in ay dhanyihiin 7.1 malyuun oo qof.

Tani waxa ay ka dhigantahay in taranka dadka uu ahaa boqolkiiba 4.6% sanad kasta laga soo bilaabo 1975-tii, taasi oo ah wax ay adagtahay in la joogteeyo.

Waxyaabaha aanan isqabanaynin waxaa ka mid ah oo tirakoobka ku jirey in dadka reer miyiga ah ee Soomaaliya sanadkii 1987-dii ay ahaayeen boqolkiiba 59.4%, halka boqolkiiba 46% ay ahaayeen sanadkii 1975 , taasi oo ka dhigan in reer miyiga ay kordheen.

 Tirakoobka ay Samaysay Dowladda Federaalka 2013-2015

Taariikhda marka ay ahayd July 11, waxay ku beegneyd maalinta tirakoobka dadka adduunka,  sidaasi darteed wasiirka Qorshaynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee dowladda Soomaaliya, Siciid Cabdullaahi Dani oo munaasabadaas hadlay taariiqda July 11, 2014-kii ayaa sheegay inay dowladda  soo saari doonto tirakoob horudhac ah oo noqonaya kii ugu horreeyay ee mudo ku dhaw sodon sano laga sameeyo dalka, waxaa xusid mudan in sahanka uu Wasiirka sheegayo la sameeyay sanad ka hor marka uu ku dhawaaqayo.

September 18, 2014: Munaasabadan lagu daah furayay bilowga sahanka tirakoobka dadka Soomaaliyeed ee ku nool gudaha dalka ayaa lagu qabtay xarunta madaxtooyada Soomaaliya waxaana kasoo qeyb galay Ra’isulwasaare kuxigeenka ahna wasiirka diinta iyo awqaafta xubno ka rirsan golaha wasiirada, madaxa hay’ada qaramada midoobay ee UNFPA iyo marti sharaf kale,

Ajandaha isku imaatinkan ayaa ahaa in wasaaradda qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ah oo kaashaneyso hay’adan ay soo bandhigto sahan ay ku sameysay tirada dadka Soomaaliyeed.

Madaxa hay’ada UNFPA ee Soomaaliya  Sheekh Ciise ayaa ka hadlay ayaa Ajenada hey’adda ku sheegay in uu ahaa in ay ogaadaan tirada dadka Soomaaliyeed, goobta ay ku nooliyihiin, Rag, Haween iyo Caruur imisaa ah si loogu talo galo adeegyada la siinayo.

Dhinaca Wasaaradda qorsheynta waxaa ka hadlay Wasiirka wasaaradda qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ah Saciid Cabdullaahi (Dani) iyo Wasiir ku xigeenka wasaarada qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ah ee xukuumada Soomaaliya C/laahi Sheekh Cali (Qaloocow), waxaa ay labaduba ka hadleen ahmiyadda sahankan.

Ku simaha Ra’isul wasaaraha ahna wasiirka diinta iyo awqaafta xukuumada Soomaaliya oo soo gabagabeeyay munaasabadan ayaa tilmaamay in horumar uusan jiri karin hadii uusan jirin tira koob rasmi ah isagoo tusaale usoo qaatay dhanka gargaarka iyo arimo kale.

Tirakoobka qabyada ah ee aan rasmiga aheyn hadda waxa uu noqday 12.360 in ay yihiin dadka Soomaaliyeed ee ku nool gudaha waddanka.

Arinta La yaabka leh: Maalintaas kadib, Lama maqlin Tirakoobkan, Lamana sheegi cid diiday iyo cid yeeshay intaba, ilaa Talaadadii May 26, 2015 mar kale dowladda ay hadasho.

May 26, 2015: Xaflad kale ayaa lagu qabtay Magaalada Muqdishu, Ra’isulwasaare ku xigeenka Maxamed Cumar Carte Qaalib iyo wasiirka qorsheynta qaranka Cabdiraxmaan Ceynte ayaa goobta ka hadlay, Warbixintii hore ayaa mar labaad lagu soo celiyay tirada ayaa lagu sheegay 12,316,895 (Labo iyo taban milyan, sedex boqol iyo lix iyo tobonkun, sideed boqol iyo 95 qof), kuwaasi oo boqolkiiba %74 ay yihiin dad da’doodu ay ka hooseyso 30 jir, halka %10 ay yihiin barokacayaal.

Meelaha laga qiyaas qaatay waxaa ka mid ah hawlaha samofalka, ceelasha biyaha, isbitaalada iyo goobaha dadka guud ee dadka isugu yimaadaan, balse tirakoobkani waa mid qiyaas ku dhisan oo aanan hubanti ahayn in uu saxanyahay.

May 27, 2015: Dawlada Puntland ayaa dadweynaha Soomaaliyeed usoo Bandhigtay Tirakoobka saxda ah ee dadka ku nool Gobolada Puntland, waxayna Puntland sheegtey in dowladda federaalka ay ka been sheegtay tirada dadka ku nool Gonolada Puntland.

Wasiirka Qorshaynta iyo Xiriirka Caalamiga ah ee Puntland Cali Axmed Faatax,ayaa sheegay in dadka ku nool Puntland ay Tiradoodu gaarayso 4,284,633. (Afar milyanm labo boqol iyo sideetan iyo afar kun, lix boqol iyo sodon iyo sedex kun).

 Tirakoobka Puntland: Waa Gobolada, Bari, Togdheer(Buuhoodle), Nugaal, Sool, Sanaag iyo Mudug.

Inkasta oo meelaha qaar su’aalo laga keeni karo tirakoobka Puntland maadaamaa gobolada ay sheegtey qaarkood aysan ka talinin, ayaa farqiga ugu weyn waxaa laga dareemi karaa gobolka Bari, waxaana u dhaxaysa ugu yaraan 7 boqol oo kun tirada ay dowladda sheegtey iyo tan ay Puntland shaacisey.

Tirakoobka dowladda waxa uu muujinayaa in gobolka Bari ay ku noolyihiin 792182 (Todobo boqol , sagaashan iyo labo kun, boqol sideetan iyo labo qof), halka Puntland ay shaacisey in tirakoobka dhabta ah uu yahay 1387568 (Hal milyan , sedex boqol sideetan iyo todobo kun, shan boqol lixdan iyo sideed qof).

Tirada ay Puntland goboladan ka sheegatay, waa tiro ka badan ama ka yar tirada dadka ku nool goboladaas, taas oo ka dhigeysa in Puntland ay sameysatay sahan ka duwan midka Talaadadii dowladda soo bandhigtay, arintaas oo marna dhicin.

Guud ahaan farqiga u dhaxeeya tirada ay dowladda shaacisey iyo tan Puntland ayaa ah 788976 (Todobo boqol , sideetan iyo sideed kun , sagaal boqol iyo todobaatan iyo lix qof).

Dhinaca Somaliland:  Wasiirka Qorsheynta Somaliland ayaa qiray in Somaliland iyo UNFPA iska kaashadeen sahan loogu kuurgalayo tirade dadka ku nool Somaliland 2013-kii.

Somaliland ayaa ku eedeysay  ayaa hay’adda UNFPA ay siisay xogta Somaliland dowladda Somaliland, kana qeyb gashay xaflad ay Soomaaliya ku sheeganeyso natiijo tirakoobka Somaliland, Somaliland ayaa ku hanjabtay in arinkaas uu saameyn doono wada shaqeynta Somaliland iyo hay’adda.

Hadalka Somalinad, waxaa ku cad in tirade ay hay’adda UNFPA faafisay aanay Somaliland dacwo ka qabin balse ay diidan tahay qaabka loo shaaciyay.

Tirakoobka Dowladda ee la sheegay waa sidan:

Guud ahaan tirada dadka: 12,316,895  (Labo iyo tobon milyan, sedex boqol tobon iyo lix kun, sideed boqol sagaashan iyo shan qof)

Magaalooyin:5,216,392(42%) (Shan milyan, labo boqol iyo lix iyo tobon kun, sedex boqol sagaashan iyo labo qof ) , oo ka dhigan in dadka Soomaaliya boqolkiiba 42% ay ku noolyihiin magaalooyinka.

Tuulooyinka:2,806,787(23%) (Labo milyan, sideed boqol iyo lix kun, todobo boqol sideetan iyo todobo qof) oo ka dhigan in boqolkiiba 23% ay dadka Soomaaliyeed ku noolyihiinyihiin tuulooyinka.

Baadiyaha:3,186,965(26%) (Sedex milyan, boqol sideetan iyo lix kun, sagaal boqol, lixdan iyo shan qof) oo ka dhigan in boqolkiiba 26% dadka Soomaaliyeed ay ku noolyihiin miyiga.

Barakacayaasha:1,106,751(9%) (Hal milyan boqol iyo lix kun, todobo boqol konton iyo koow qof) oo ka dhigan in boqolkiiba 9% dadka Soomaaliyeed ay ku barokacsanyihiin gudaha dalka.

Si kastaba ha ahaatee waxaa halkan ka muuqanaya in marnaba Soomaaliya uusan waligeed ka dhicin tirakoob sax ah oo lagu kalsoonaan karo , islamarkaasina laga qiyaas qaadan karo.

Sooyaalkan waxaa ka cad in tirada dadka Soomaalida aan marna laga run sheegin, Waxaa ay qaladaad ka jireen tirsiga dowladdii Maxamed Siyaad, Waxaa ay kuwoo ka badan ka jiraan tirka Dowladdan Xasan Sheekh halka macquul aanay aheyn tirada ay sheegtay Puntland!

Goobjoog News