Kheyraadka Shidaalka, Soomaaliya Qoondo Intee La’eg ayay Qaadanaysaa?
Todobaadkan waxaa soo shaac baxay warar sheegaya in shirkadda shidaal baarista ee Soma Oil & Gas ee kal hore ay dowladda qandaraaska la saxiixatay in markale wax laga badalayo heshiiskii, islamarkaasina shidaalka laga soo saaro Soomaaliya ay shirkaddani qaadan doonto boqolkiiba 90%.
Haddii si kale loo dhoho dowladda Soomaaliya waxa ay qaadanaysaa boqolkiiba 10% oo kaliya, taasi oo ah wax aysan cidina ku fikirin, kana dheer suurtogalnimada.
Dowladda Soomaaliya ayaa qandaraas shidaal baaris ah oo dhanka badda gunteeda ah la saxiixatay shirkadani bishii Agoosto 2013-kii, wuxuuna heshiiska dhigayay in shirkadda ay soo uruuriso xogta rasmiga ah ee ku saabsan shidaalka ceeyriinka ah ee ku jira badda gunteeda , kadibna xogtaasi la suuq geeyo oo shirkadaha shidaalka qoda ee adduunka qandaraasyo lagula galo si ay shidaalka usoo saaraan.
Waxaa sidoo kale heshiiska qeyb ka ahaa in shirkadani Soma Oil & Gas lafteeda wax laga siiyo qandaraasyada shidaal soo saarista, iyada oo waliba xaq u yeelanaysa in qaadato ceelasha ugu manaafacaadka badan.
Iyada oo markii horaba qodobkani dhib lagu qabay oo ay dood ka taagnayd, ayaa haddana waxaa soo baxay heshiiska cusub ee dhigaya in boqolkiiba 90% wax soosaarka shidaalka ay qaadanayso shirkadda, taasi oo ka dhigan in Soomaaliya aysan waxbo u hareynin, kheyraadkii dalkana meel bilaash ah lagu bixiyey.
Waxyaabaha layaabka leh ee kale ee jira ayaa ah in xogtii ay soo uruurisey shirkadani aysan wali ku wareejinin wasaaradda batrool ee dowladda federaalka, waxayna noqoneysaa shirkaddii labaad oo inta dowladda federaalka heshiis la gasho haddane iska diida in ay la wadaagto xogtii ay soo uruurisey, waxaa horey sidan oo kale u sameeysey shirkadda Shulman Roggers oo ah shirkad abukaateyaal ah oo heysatay qandaraaska in ay soo celiso lacagaha Soomaaliya kaga xayiran bangiyadda adduunka taasi oo dowladdii Maxamed Siyaad Barre ay dhigatay halkaasi.
Shirkadda Soma Oil & Gas waxa ay ka midtahay illaa 11 shirkadood oo dowladda ay qandaraas la saxiixatay, kuwaasi oo dhamaantood la go’aamiyey in ay yihiin heshiisyo aan sax ahayn, tahayna in dib loogu laabto ama gabi ahaanba la joojiyo maadaamaa ay Soomaaliya ku dulmanayd, waxaana gunaanadkaasi gaaray guddiga isku dhafka maareynta maaliyadda oo ka kooban xubno dowladda Soomaaliya iyo beesha caalamka.
Warbixin kale oo uu diyaariyey guddiga dabogalka cunaqabateynta hubka ee Eritrea iyo Soomaaliya ee Qaramada Midoobey (UN Monitoring) ee soo baxday sanadkii hore ayaa lagu taliyey in gabi ahaanba la joojiyo heshiisyada shirkadaha shidaalka lala galayo, maadaamaa ay abuurayaan xasarado xili laga shaqeynayo xasilinta dalka.
Kaliyana ma ahan in taladaasi la’iska dhagomariyey, ee sidoo kale waxaa heshiiska la saxiixay iyada oo aanan baarlamaanka la marinin hindise sharciyeedka batroolka iyo kheyraadka dalka, kaasi oo ay ku xusantahay qoondada ay Soomaaliya ka qaadanayso haddii shidaalka lasoo saaro iyo waliba sida loo qeybsanayo kheyraadka dalka.
Maadaamaa uusan sharcigaasi jirin, ayay sahlanaatay in wasiirada qoondada ay doonaan u saxiixaan shirkadaha shisheeye ee ka faa’iideysanaya fursadaha dagan iyo hantida dayacan.
Mid ka mid ah waxyaabaha ay Soma Oil $ Gas ku marmarsooneyso in ay ku qaadato boqolkiiba 90% ayaa ah in qarashka kaga baxay sahminta shidaalka badda hoosteeda ku jira uu dhanyahay $40 malyuun oo doolar, taasi oo labo jeer ka badan qarashkii markii hore loogu talogalay, laakiin waxaa isweeydiin leh “Taasi yaa gefkeeda leh, ma shirkadda mise dowladda?”.
Waxaa hubanti ah in shirkadda ay iyadu ahayd tan qiyaastay qarashka kaga baxaya hawsha sahminta maadaamaa ay sheegatay in ay xeeldheere ku tahay hawsha, sidaasi darteed haddii qarashkii ay iyada jaangoosatay uu ka batay intii ku talogalka ahaa, ma waxaa jira cid aanan iyada ahayn oo ay Soma Oil & Gas eedeyneyso?. Waxaa arrinta oga sii daraya in aysan jirin cid dowladda ka tirsan ama madax banaan oo ogaan karta qarashka shirkadda kaga baxay hawsha baarista, sidaasi darteed ma jiraan wax diidaya in ay iska sheegtaan wixii ay doonaan haddiiba ay wax ku helayaan.
Si kastaba ha ahaatee ma jirto marmarsiimo, waxay dooniba ha ahaatee shirkad shisheeye ay ku qaadan karto boqolkiba %90 kheyraadka dalka, balse meesha dhibka ugu weyn uu ka jiro ayaa ah baarlamaanka Soomaaliya oo aanan qabsan shaqadii loo igmaday ee ahayd in heshiisyada ay dowladda galayso uu dabogal ku sameeyo.
Goobjoog News