U bood dhigaalka

Dowladda Federaalka Iyo Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya Oo Heshiis Gaaray

Sheeko:Dalka

Magaalada Jigjiga waxaa ka dhacay heshiis ay wada gaareen dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, kaasi oo ku aadan dagaalladii dhawaan ka dhacay Gobalka Galgaduud ee shacabka badan ku geeriyoodeen.

Jigjiga waxaa ku sugnaa wafdi uu horkacayay wasiir dowlaha madaxtooyada Soomaaliya Mahad Maxamed Salaad, waxaana xubnaha wafdiga ka mid ahaa, gudoomiyaha gobalka Galgaduud Xuseen Cali Wehliye Cirfo, Odayaal dhaqameed iyo xubno kale.

Wafdigaan ayaa wada hadal Laba Maalin qaatay la galay madaxda maamulka DDSI, waxaana shalay wadahadalkaasi laga soo saaray heshiis 8-qodob ka kooban.

Qodobada lagu heshiiyay

1: Xabad joojin rasmi ah oo ka bilaabanaysa maanta oo taariikhdu tahay 07/6/2015. Dagaal danbana inuusan ka dhicin deegaanadii dhibku ka dhacay. Labada dhinacna waxay fariin nabadeed u gudbinayaan dadka shacabka ah.

2: Maanta oo taarikhdu tahay 07/6/2015 in deegaanadii dagaalku ka dhacay ay ka caagan yihiin xoogag hubaysan oo sharci daro in ay ka dhaq dhaqaaqaan.

3: Dadka Soomaalida ah ee kunool gudaha Itoobiya, iyaga oo aan loo eegin Diin, Qowmiyad, Luuqad, Qabiil IWM… waxay leeyihiin Xuquuq dastuuri ah iyo sinaansho dhinaca adeegyada Dowlada ah.

4: Laba dhinac waxay ku heshiiyeen inay xoojiyaan xiriirka iyo nabad kuwada noolaanshaha laba dal.

5: Labada dhinac guud ahaan, gaar ahaana Gobolada Qoraxey ee Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya iyo Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya iyo meel kasta oo labada Dowladood daris ka yihiin in si nabad gelyo ah lagu xaliya, wixii khilaaf ah ee soo baxa, iyaga oo adeegsanaya Odoyaasha dhaqanka, xoogaga Nabadgelyada iyo Maamulada labada dhinac.

6: Dhibaatadii ka dhacday Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya waxaa si gooni ah xil uga saaranyahay xalintooda Maamulka iyada uu la tashanayo, isla markaana kaashanaya shacabka ku dhaqan deegaankaas. iyaga oo Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya xalinayaan sababihii keenay khilaafka.

7: Labada dhinac waxay ku heshiiyeen in ay ula dagaalamaan si wada jir ah cadowgooda Al-Shabaab, UBBO iyo u Adeegayaasha Wadamada Shisheeye ee cadowga ku ah degenaanshaha iyo nabadgelyada labada dhinac.

8: Waxay labada dhinac ku heshiiyeen in si wada jir ah iyo si gaar gaar ahba ula dagaalamaan cadowga iyo cid kasta oo si khaldan u adeegsanaya qalabka Warbaahinta, abuurayana colaado hor leh.

Wefdiga Dowladda Somaliya ka socday, ayaa waxaa horkacaayay Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Somaliya, Mahad Maxamed Salaad, waxaana ku wehlinaayay Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Galgaduud, Xuseen Cali Wehliye (Cirfo), Odayaal Dhaqameedyo ka soo jeeda Gobolkaasi Galgaduud iyo Masuuliyiin kale.

Goobjoog News