U bood dhigaalka

Baarlamaa Federaalka oo u Baahan 10 Sano Si uu Guto Shaqada u Taala Hadda W/D : Khadar Xuseen Maxamed

Baarlamaanka Soomaaliyeed markii lagu dhawaaqay ;Umadda meel kasta oo ay dunida ka joogto aadbay ugu riyaaqday una soo dhawaysay , dad badani aadbay u xiisaynayeen , aadbayna rajada ugu xireen inuu is badal wayn samayn karaan

Laakiin waxaa la’isweydiin karaa rajadaasi sidee ayay tahay maanta?

Baarlamaan

Baarlamaanku waa hay’adda sharci dajineed ee ka tirsan Dowladaha dastuurka ku shaqeeya, wuxuu inta badan ka shaqeeyaa baarlamaanku sida asalka ah inuu guto hawshiisa sharci dajineed sida uu sheegayo mabda’a kala saaridda Awoodaha hey’adaha Dowladda.

Xubinta baarlamaaniga ahi waa wakiilka shacabka, waxaana baarlamaanka looga mid noqdaa doorasho, iyadoo la adeegsanayo waddooyinka dimuqraadiga ah ,waxaana xubintu ay baarlamaan buuxa ku noqonaysaa in lasoo doorto waliba doorasho xor ah oo xalaal ah.

Baarlamaanku waxa uu leeyahay awood buuxda waxyaabaha ku saabsan soo saarista sharciga iyo qawaaniinta dalka , waxaa kaluu xaq u leeyahay baarlamaanku inuu diido ama ogolaado hindise sharciyeed kasta iyo waliba heshiisyada caalamiga ah ee ay xukuumaddu la gasho dowlahadda iyo hay’adaha Caalamiga ah ee maal galinta sameeya.

Sida caanka ah baarlamaanku waxa uu qabtaa 3-shaqo oo muhiim ah:-

Sharci dajinta , La-xisaabtanka xukuumadda , Matalaadda shacabka iyo ka tarjumidda baahida shacabka.

Xubinta baarlamaaku si ay u noqoto xubin guulaysata waxaa shardi ah in laga helo tilmaamo gooni ah oo u sahli kara inuu guushaa laga filayo soo hooyo, waxyaabaha ugu horeeya ee laga eegayna waa xiriirka uu la leeyahay bulshada uu matalo , xiriika uu la leeyahay xubnaha baarlamaanka , xiriirka uu la leeyahay warbaahinta .

Hadaba Shaqadii Baarlamaanka Fedraalka ah ee Soomaaliya loo igmaday waxaa kamid ahaa :

  • Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Waxa uu u diyaariyaa Xukuumadda sharciyadii ay ku howl-gali lahayd.
  • Waxa uu doortaa Gudoomiye yaasha iyo ku xigoonadooda, waxa uuna leeyahay awooda sharci dajineed ee dalka.
  • Waxaa taa udheer in uu soo xadeeyo xuduudaha Dawladda gobaleedyada ee ku dhax yaal Jamhuuriyadda Fedralaaka ah ee  Soomaaliya.
  • Baarlamaanka waxaa uu kaalin mug leh ka ciyaari karaa dhalinta nabadda iyo xoojinta midnimada,
  • Diyaarinta Istaraatiijeyad ay Baarlamaanka ugu shaqeeyaan nabadda.
  • Diyaarinta Barnaamij wargalin iyo Wacyi galin bulsho oo dhaliya dood wadaag.
  • Diyaarin barnaamij la tashi dadweyne
  • Diyaarin maktabad leh qoraal iyo keydka aaladda casriga ah (digital).
  • Diyaarin qorshaha Isgaarsiinta iyo Tecknolojiyad caalami ah.
  • In degmo walba looga hirgaliyo xafiis deegaan doorasho
  • In fursad la siiyo Xildhibaanada inay ku warceliyaan degaan doorasho December
  • Diyaarinta shuruucda dastuurka siinaayo mudnaanta.
  • In lagala xaajoodo laanta fulinta shuruucda mudnaanta koobaad leh.

Maaxaa laga dhaxlay baarlamaanka tan iyo markii la dhaariyay fadhigii ugu horeeyayna ay iskugu yimaadeen Isniin 20/ August/ 2012 .

Afhayeenka baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ka war-bixiyay wax-qabadkii baarlamaanka Sanadkii 1-aad ee uu shaqeynayay.

Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo u warramay warbaahinta ayaa sheegay in tallaabooyin badan oo la taaban karo uu baarlamaanku u qaaday dhanka horumarka.

Mudane Jawaari ayaa xusay in baarlamaanka ay u hir gashay inuu soo dhiso 15 guddi oo ah guddiyadi uu ku shaqeyn lahaa baarlamaanka iyo guddiyadii joogtada ahaa oo ka kooban guddoomiyeyaasha iyo ku xigeenada guddiyada ee baarlamaanka.

Wuxuu kaloo sheegay in baarlamaanku uu sameystay xeer hoosaad uu ku shaqeeyo, xeerkaas oo la sameeyay sanadkii hore ee 2012.

Halkaa Sanno waxa uu ahaa Dhismihii Baarlamaanka oo kaliya waqabadkale oo mooshin ka madax banaanaa kuma Astaysnaa warbixintaa , sanadkaasi waxa uu ku dhamaaday laba kalfadhi iyo kalfadhi sadexaad oo aan caadi ahayn oo isna qaatay muddo bil ah.

Guud ahaan shaqooyinkii uu baarlamaanku qabtay markii laga reebo Mooshin ay xildhibaanadu keenayeen, waxa ay ahayd un ansixinta guddiyada baarlamaanka , ansixinta hindiso sharciyeedyo baarlamaanka la keenay iyo heshiisyo caalami ah oo ay dowladdu gashay .

Waxaase muuqata inuu baarlamaanku ku mashquul sanayahay Mooshin , wax qabadka ugu xiisaha badan xubanaha baarlamaankuna ay sugaan waa Mooshin.

Howlihii baarlamaanka muhiimka u ahaa qaban u baahnaa wali lama qaban sidii loogaari lahaa hiigsiga 2016-ka wali ma muuqato.

Dhanka kale Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Mudane Jawaari oo la hadlayay xubnaha baarlamaanka Janaayo-22-2014 ayaa sheegey in baarlamaanku shaqeeyo bishii 27-saacadood , waxaanuu guddoomiyhu waliba tibaaxay inaysan arrinkaasi maangal ahayn oo ay tahay in meeshaa laga sii dheereeyo .

Marka hadalkaasi laga qiyaas qaato, sanadkii oo dhan waxa uu baarlamaankeenu shaqeeyaa 216-saacadood, iyadoo ay jirto saacadihii la doonayay inuu shaqeeyaa inay ahayd Sanadkii 1792-sacadood ugu yaraan. Taasi oo micnaheedu yahay 1576 saacadood oo shaqo ah oo qasaaray, kana dhigan baaxadda ay dhantahay shaqada baaqanaysa.

Waxaa halkaa kaaga soo baxaya in baarlamaanku shaqeeyo oo kalya %12 wakhtigii shaqada loogu tala galay , boqolkiiba %78 ay meeshaa ku baaba’day wakhtigii uu baarlamaanku umadda u shaqayn lahaa.

Wakhtigaa yar ee aan ku qadaray %12 waxaa lagu qaataa intiisa badan mooshin.

Tusaale ahaan kalfadhigii 4aad oo kaliya, baarlamaanka waxa uu cod galiyey 5 mooshin oo mid uu ahaa kii ragaadka siyaasadeed ee badan uu ka dhacay ee lagu ridey Ra’isulwasaare Cabdiwali Sheekh Axmed.

Marka laga soot ago shaqada baarlamaanka, waxaa jirta sida aan kor kusoo sheegtey mas’uuliyad kale oo xildhibaanada u taala, taasi oo ah matalaadda shacabka , waxayna tahay in 15 maalmood oo xiliga fasaxa ah ay xildhibaanada soo booqdaan deegaanadii ay ka yimaadeen.

Warbixin uu golaha kasoo saaray kalfadhigii 4aad, 50 xildhibaan oo kaliya ayaa booqatay deegaanadooda, sidaasi oo ay tahay tiradaasi waxaba ay ahayd koror boqolkiiba 300% marka la barbar dhigo kalfadhiyaddii hore.

Tusaale ahaan kalfadhigii Labaad waxaa booqasho sameeyey 18 xildhibaan oo kaliya, kuwaasi oo ka dhigan boqolkiiba 6.5% tirada guud ee xildhibaanada, kalfadhigii sedexaad waxaa deegaanada booqdey 32 xildhibaan oo ka dhigan boqolkiiba 11% tirada guud ee xildhibaanada, halka kalfadhigii 4 aad ay booqasho sameeyey 50 xildhibaan taasi oo ka dhigan boqolkiiba 18% tirada guud ee xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya.

Marka laga qiyaas qaato tirakoobyadaasi waxaa kuusoo baxaysa in shacabku ka niyad jabsan yahiin qaabka uu baarlamaanka u shaqeeyo , waana muuqata in wax-qabadka baarlamaanku ku salaysan yahay inaan la gaari karin 2016 iyadoo howshii doorashooyinka aan waxba laga qaban.

Waxaa markaasi qiil loo helayaa oo meesha soo galaya muddo kordhin aan la garanayn wakhtiga ay dhamaanayso.

Waxaase hadda ay xisaabtu soo saartay inay baarlamaanku u baahan yahay 10-sanno oo hadda kadib ah si uu u gaaro yoolka uu tiigsanaayo marka laga hadlayo qorshihii la dajiyey biloowgii baarlamaankani oo ahayd iun 4 sano lagu qabto.

Khadar Xuseen Maxamed

Email : [email protected]