U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh “Waxaan Dejinay Hadafyo Muhiim Ah Oo Qeyb Ka Ah Hiigsiga 2016” (Sawirro)

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta si rasmi ah u soo gabagabeeyay shir ku saabsan Qorsheynta Barnaamijka Dib u Heshiisiinta iyo Wadatashiga Bulshada oo ay soo qabanqaabisey Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka oo gacan ka heleysa hay’adaha caalamiga.

Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyay madasha ayaa sheegay in nabaddu ay sal u tahay nolosha iyo horumarka, isla markaana si loo gaaro ay muhiim tahay in la joogteeyo hawlaha dib u heshiisinta, bulshadana laga wada qeybgeliyo.

‘’Dowladda haatan jirtaa waxay ku dhisan tahay dib u heshiisiin. Waxaan shaki ku jirin in kala aamin bax uu ka dhex jiro bulshadeena, shacabkana waxay ka aamin baxeen dowladnimada, iyagoo taas ku saleynayaa wixii horey u soo marey. Si shakigaasi meesha looga saaro waxaan bulshada Soomaaliyeed u caddeynayaa in dowladda haatan jirta ay ku dhisan tahay inay ka shaqeyso sidii loo kasban lahaa kalsoonida shacabka, nidaamka aan dooneynana uu yahay mid loogu talagaley in looga taxaddaro inaaney soo noqon khaladaadkii horey u dhacay’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweyna Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale sheegay in dowladda ay diyaarisey hadafyo ay u aragtey in bulshada ay waxtar u leeyihiin, isla markaana shacabka la siinayo fursad ay ku go’aamiyaan mustaqbalkooda.

‘’Waddo dheer ayaan nabadda iyo barwaaqada u soo marney saddexdii sanno ee la soo dhaafey. Waxaan dejiney hadafyo muhiim ah oo qeyb ka ah Hiigsiga 2016: waxaa ka mid ah sameynta Dastuur cusub, sameynta qaab maamul oo heer qaran, iyadoo la sameynayo dowlad goboleedyo ku saleysan nidaamka federaalka. Waxaa iyana barnaamijkaas ku jira in fursad loo siiyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed inay soo doortaan wakiiladooda heer qaran doorashooyinka dhici doona sannadka 2016’’.

Shirkan oo muddo saddex maalmood ah socdey ayaa waxaa ka soo qeybgaley ururrada bulshada, wakiillo ka socdey dowlad goboleedyada, odayaasha dhaqanka iyo marti sharaf kale.

Arrimaha ugu muhiimsan ee ka qeybgaleyaasha ay ka doodeen waxaa ka mid ah sameynta dib u heshiisiin baahsan, in la abuuro is aaminaad iyo kalsooni bulsho, isku keenidda bulshada, helista hanaan loo wada dhan yahay oo daahfuran, nidaamkanna uu noqdo mid ku baahsan Soomaaliya oo idil.

Madaxweynaha ka hor waxaa halkaasi hadallo ka jeediyay Wasiiro Dowlada Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Cabdirashiid Maxamed Xiddig, Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Dr Ismaaciil Jimcaale Calasow, iyo mas’uuliyiin kale.

X4 X3 X2 X1

-DHAMMAAD-
Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya