U bood dhigaalka

Baarlamaanka Soomaliya Oo Maanta Ka Doodaya Darbiga Kenya Ay Ka Dhisayso Xadka Soomaaliya

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kulan waxa ay ku leeyihiin xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho, waxaana kulanka maanta uu yahay mid looga hadli doono arimaha ku aadan Darbiga dowladda Kenya ay ka dhisayso Xadka ay la wadaagto Soomaaliya.

Xildhibaan Maxamed Cumar oo ah habdhowraha baarlamaanka ayaa sheegay in xildhibaanada maanta qodobka ugu horeeyo ee ay ka hadli doonaan tahay mooshinkii laga keenay darbiga Kenya ay dhisayso, islamarkaana la filayo in go’aan laga gaaro.

Sidoo kale xildhibaanada ayaa ka hadli doona arrin muhiim ah oo ku saabsan tayeeynta lacagta shilinka Soomaaliga oo haatan u muuqata mid sii yaraaneysa.

Dowladda Kenya ayaa sheegtay si ay amnigeeda u sugto in darbi dheer ay ka dhisayso xadka ay la wadaagto Soomaaliya, taasi oo keeni karta dhibaato badan oo xagga nolosha iyo isku socodka dadka ah.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News