U bood dhigaalka

Obama oo u Sheegay Madaxweynaha Faransiiska in aan Teleefankiisa laga Dhageysan Doonin

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Faransiiska Hollande ayaa fariin ka helay dhigiisa Mareykanka Brack Obama kaas loogu sheegay in Mareykanka aanu Basaasi doonin Madaxda faransiiska.

Arintan ayaa timid kadib markii Madaxweynaha Faransiiska uu sheegay galabta in aanu cafin doonin wax walba oo wax u dhimaya amiga dalka Faransiiska.

Francois Hollande iyo golohiisa amaanka ayaa maanta kulmay si ay uga wada hadlaan sidii ay ka yeeli lahaayeen warar ay sheegtay WikiLeaks

WikiLeaks  ayaa daabacday in Mareykanka ay dhageysanayeen Teleefoonada Madaxweynayaasha Faransiiska Jacques Chirac, Nicolas Sarkozy iyo  Francois Hollande.

Faransiiska ayaa wafti u diri doono dalka Mareykanka si ugala hadlaan, wax la dhageystay iyo sababta, iyagoo jaabo uga baahan maamulka Washinton.

Afhayeen u hadlay Hollande aya AFP u sheegay in Madaxweynaha iyo gudiga amaanka ka wada hadlayaan qaabka ugu haboon ee arinkaas looga jawaabi karo.

Mareykanka waxay dhageyteen Teleefoonada Madaxda Faransiiska mudadii u dhaxeysay 2006-2012-kii, Macluumaadka ay Mareykanka heli karaan.

WikiLeaks ayaa Talaadadii daabacday warbixin ay cinwaan looga dhigay”Fadeexadii  Elyzee.

Elyzee, Waa Guriga Madaxweynaha Faransiiska isla markaan ay ku kulmaan golaha waziirada, waxaa la dhisay 1718-1722-kii, waxaa uu ku yaal Magaalada Paris, sidoo kale waxaa uu yahay hogya Madaxweynaha min 1874-kii.