Taariikh Nololeedka Gudoomiye Ku Xigeenka Labaad Baarlamaanka Galmudug
Sheeko:Dalka
Maxamed Sheekh Axmed Maalin oo ah gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Galmudug waxa uu ku dhashay magaalada Galkacyo ee gobolka Mudug, Waxbarashada dugsi hoose ilaa sare waxaa uu kusoo qaatay isla magaalada Galkacyo.
Maxamed Sh. Axmed Maalin waa ganacsade caan ka ah gobolka Mudug iyo gobolada ku hareereysan
Maxamed Sh. Axmed Maalin, waxaa uu yimid Xamar isagoo ka mid noqday madaxda gobolka banaadir, shaqooyin kala duwana kasoo qabtay.
Maxamed Sh. Axmed Maalin waxaa uu qaatay siminaaro badan, kadib waxaa uu tagay magaalada Nairobi isagoo halkaas in muddo ah ku noolaa.
Intii uu Nairobi joogay waxaa ka mid noqday guddi laga dhisay halkaas oo lagu hormarinayo gobolada dhexe.
Goobjoog News