Kenya oo Dad Badan Lagu Laayay
Illa aiyo 14 qof ayaa lagu soo waramayaa in lagu laayay weerar saakay aroortii kooxo hubeysan oo looga shakisanyahay in ay Alshabaab yihiin ay ka geysteen tuulo yar oo u dhow magaalada Mandheera ee xadka ku taala dhanka Kenya.
Tirada dhaawacyada ayaa iyaduna maraysa illaa 10 qof waxayna dadkani ahaayeen kuwa ka shaqeeya godadka laga qodo carro kaawada.
Wararka waxa ay sheegayaan in dadkani oo ku sugnaa tuulada Suuqa Arriga ama Soko Mbuzi halka loo yaqaano ay badankood ku jireen teendhooyin oga dhisan guryo banaankiisa sababo la xiriira jawiga oo kululaa, kadibna kooxo hubeysan ay ku weerareen bambaanooyin.
Bishii Diseembar sanadkii hore ayay ahayd markii Alshabaab weerar kan oo kale ah ay ku dishey illaa 36 qof oo ahaa dad ka shaqeynayay godadka carro kaawada meel u dhow Mandheera.
Goobjoog News