U bood dhigaalka

Nicholas Kay Oo Cambaareeyay Weeraradii Xalay Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

Sheeko:Dalka

Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arimaha Soomaaliya Nicholas Kay ayaa cambaareeyay Labadii weerar ee xalay Xarakada Al-shabaab ku qaadeen Hoteelada Siyaad iyo Wehliye ee Magaalada Muqdisho.

Waxa uu sheegay in weeraradaasi ay ahaayeen kuwo lagu gumaadayo shacabka, islamarkaana ay dhankooda aad uga xunyihiin waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Waxaan cambaareynayaa weerarkii argagixiso ee  Muqdisho ka dhacay xalay, waxaana ka xumahay weerarkaasi arxan darrada ah ee lagu gumaadayo dadka rayidka ah, weerarku waxa uu dhacay xilli lagu jiray salaadda Maqrib oo ay dadku afurayeen”  ayuu yiri Mr Kay

Sidoo kale Nicholas Kay ayaa dhinaca kale amaan u jeediyay ciidamada dowladda oo uu sheegay in ay fashilyeen weerarkaasi, waxaana uu hoosta ka xariiqay in Qaramada Midoobay ay dowladda Federaalka kala shaqeynayso dhismaha ciidamo xoogan oo amniga qaranku leeyahay.

“Waxaan ammaan u jeedinayaa ciidamada amniga ee dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo ku guuleystay in ay ka hortagaan oo ay yareeyaan inay qasaare badan ka dhalato weeraradaasi argagixiso ee la doonayay in dad rayid ah lagu gumaado, Qaramada Midoobay waxa ay wadaysaa sidii ay si fir fircoon ugala shaqeyn lahayd dowladda Soomaaliya si loo dhiso ciidamo xoogan oo xagga amniga ee Qaranku leeyahay iyo ilaalinta Hay’adaha dowladda” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay Kay.

Rag ka mid ah Al-shabaab ayaa xalay maqribkii waxa ay Laba weerar ka geysteen Hoteelada Siyaad iyo Wehliye ee magaalada Muqdisho, waxaana halkaasi ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta.

Goobjoog News