U bood dhigaalka

Gudoomiyahii Hore Ee Degmada Maxaas Oo Xabsi La Dhigay

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya degmada Maxaas ee bariga gobalka Hiiraan ayaa waxay sheegayaan in ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya ay xabsiga dhigeen gudoomiyahii hore ee degmadaasi Muumin Maxamed Xalane.

Sababta loo xiray mas’uulkaan ayaa la sheegay in uu ka dhega adeegay inuu wareejiyo xilkaasi ka dib markii laga qaaday, loona magacaabay Maxamed Macow Xaalle.

Taliyaha saldhiga Booliska Maxaas Xasan Xaaji Xuseen Suuley ayaa u xaqiijiyay Goobjoog News, xariga gudoomiyahii hore ee degmadaasi, waxaana uu tilmaamay in uu ka madax adeegay amarka dowladda dhexe, qalqalna uu ku beeray amniga, waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Muumin waxaa loo xiray ka dib markii uu diiday in xilka uu ku wareejiyo mas’uulka cusub ee degmada Maxaas loo soo magacaabay, waxa uu qal qal geliyay amniga degmada, sidaa darteed anaga iyo ciidamada AMISOM ayaa soo qabanay, isku dir shacabka dhexdiisa ah iyo abaabul dagaal ayuu bilaabay, sidaa darteedna sharciga ayaa la hor keeni doonaa” ayuu yiri Taliyaha.

Maalmihii ugu dambeeyay waxaa degmada Maxaas ee gobalka Hiiraan ka taagnaa khilaaf xoogan oo ku aadan dhanka hogaanka maamulkaasi, in kastoo ugu dambeyn ay ciidamada ammaanka qaadeen tallaabo ay ku xalinayaan arintaasi.

Goobjoog News