U bood dhigaalka

Faahfaahin : Qasaaro Ka Dhashay Iska Hor Imaadyo Ka Dhacay Buulo Mareer iyo Gobweyn Shabeelada Hoose

Sheeko:Dalka

Labadii habeen ee lasoo dhaafay waxaa qeybo ka mid ah gobolka Shabeelada Hoose, gaar ahaan deegaanada Buulo Mareer iyo Golweyn ka dhacayay iska hor imaadyo kala gaar gaar ah oo u dhaxeeyey ciidamada dowladda iyo dagaalyahanada Alshabaab.

Habeenkii koowaad ee ciida askar dowladda ka tirsan oo aanan tiradooda la sixi karin, balse la rumeysanyahay in ay gaarayaan illaa shan askari ayaa weerar gaadmo ah lagu diley degmada Buulo Mareer ee gobolka Shabeelada Hoose.

Sidoo kale war kasoo baxay ciidamadda xoogga dalka ayaa lagu sheegey in Ururka Labaad ee ka tirsan Guutada Sedexaad ee xoogga dalka in ciidamada ay weerar ku qaadeen fariisin Alshabaab ay ku lahaayeen deegaanka Golweyn, Shabeelada Hoose.

Warka ayaa waxaa lagu sheegey in illaa 32 ka mid ah dagaalyahanada Alshabaab lagu diley weerarka.

Taliye ka tirsan ciidamada xoogga oo lagu magacaabo Col. Xasan Jaamici ayaa sheegey in sidoo kale ay ciidamada dowladda saldhig ka sameysteen xeradii Golweyn halkaasi oo ay horey u baneeyeen ciidamada AMISOM.

Goobjoog News