U bood dhigaalka

Soomaalida Iyo Ajaaniibta Kale Ee Ganacsiga Ku Leh Dalka Mozambique Oo Goobahooda Gancsi Xiray

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya dalka Mozambique gaar ahaan gobalka Nambula ee dalkaasi ayaa sheegaya in maanta wax shaqo ah qabaneyn Soomaalida iyo sidoo kale ajaaniibta ku nool wadankaasi.

Tani ayaa ka dambeysay ka dib markii habeenkii xalay ahaa koox hubeysan ay dalkaasi ku dileen Ajnabi ganacsade ah.

Maxamed Axmed Yaaqshiid oo ah ganacsade Soomaaliyeed oo ku sugan wadankaasi ayaa u sheegay Goobjoog News in Ajaaniibta guud ee dalka Mozambique ku nool ay yihiin kuwo isku xiran, islamarkaana shaqo la’aanta maanta ay tahay mid ay ku cadeynayaan mowqifkooda.

“Xalay ayaa koox hubeysan oo bistoolad wadatay waxa ay dileen qof ajnabi ah oo ganacsade ah, waxaana taasi ay keentay in maanta guddi aan si wadajir ah u leenahay ku dhawaaqo shaqo joojin, sidaas ayaana shaqada ku hakinay” ayuu yiri Yaaqshiid.

Dhinaca kale dowladda dalkaasi ayaa wada baaritaan xoogan oo ku aadan dilkaasi dhacay, iyadoo dalkaasi uu ahaa mid ay nabad ku qabeen dadka ajaaniibta ah marka loo eego dalka Koonfur Afrika oo deris la ah dalkaasi.

Goobjoog News