U bood dhigaalka

Nicholas Kay Iyo Xubno Safiirro Ah Oo Gaaray Magaalada Cadaado

Sheeko:Dalka

Wararka naga soo gaaraya magaalada Cadaado ee gobalka Galgaduud ayaa ku waramaya in halkaasi uu gaaray ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya Nicholas Kay iyo xubno ka mid ah safiirada dalka u jooga qaar ka mid ah wadamada caalamka.

Xubnahaan ayaa ka qeybgali doona munaasabadda caleema saarka ee madaxweynaha Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed, taasi oo maanta ka dhaceysa magaalada Cadaado.

Magaalada Cadaado ayaa maanta marti gelinaysa wufuud badan, kuwaasi oo ka qeybgalaya Caleema saarka madaxweynaha Galmudug.

Ammaanka guud ee magaalada Cadaado ayaa ah mid aad loo adkeeyay, waxaana halkaasi ku sugan ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

Goobjoog News