Waa sidee xaalada qaxootiga soomaaliyeed ee ku nool magaalada Mukalla ee gobolka Xadra-Mowt
Magaalada Mukalla ee dalka Yeman waxa ay kamid tahay meelaha ugu badan oo ay ku soo qaxeen qaxootigii ugu badnaa ee soomaaliyeed ee ku noolaa magaalooyinka kale ee dalkaasi
Dadka ugu badan ee soomaaliyeed ee hada ku sugan Mukalla ayaa tira ahaan waxay gaarayaan ku dhowaad toban kun qof kuwaas oo badankood ka yimid xaafada Basaatiin ee magaalada cadan
Jimciyada umu-Siciida ee ka shaqeysa arimaha qaxootiga soomaalida ayaa magaala Mukalla waxay qaxootiga soomaaliyeed dejiyeen iskuulo kuyaala magaalada halkaas oo ay ku daryeelaan dadka ilaa iyo inta looga anba bxinyo dalkoodii hooyo.
Suleeqa Cumar Cali madaxa Hay’ada samafalka ee Umu-Saciida oo Goobjoog News la hadashay ayaa sheegtay in ilaa iyo waqtigii dagaalada ay ka bilaawdeen dalka Yaman ay soomaaliya u anba bixyeen ilaa iyo labaatan kun oo qof oo marka laga tago dadka uu qaaday markab Nawaal III ay dadka kale saareen doonyo ay Hay’addu ka bixisay dadka lacagaha lagu qaaday.
Suleeqa oo u mahad celisay gudiga gurmadka qaxootiga iyo maamulka Puntland gacanta ay ka geysteen howlaha gurmadka ayaa dhinaca kale dhamaan shacabka soomaaliyeed ugu baaqday iney u istaagaan caawinta walaalohooda dhibaataysan.
Markab Nawaal III oo markii sedexaad ku sugan magaalada Mukalla ayaa waxaa lagu wadaa in ay soo raacaan tiro lamida intii safarkii hore raacday oo gaarayay sedex kun iyo shan boqol oo qof
Weriyaasheena ku sugan dalka Yaman Aweys Xaaji Nuur iyo Maxamed Salaad Cismaan oo howlo shaqo halkaa u tegay ayaa booqday halka ay ku soo qaxeen dadka soomaaliyeed
Daawo Sawirada
Goobjoog News