U bood dhigaalka

Xildhibaan Dhuux “Gurmad Degdeg Ah Hala Geeyo Meelaha Laga Qabsaday Al-shabaab”

Sheeko:Dalka

Xildhibaan Maxamed Cali Dhuux oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ayaa ugu baaqay dowladda Federaalka Soomaaliya iyo hay’adaha samafalka ah in gurmad degdeg ah ay gaarsiiyaan dadka ku nool meelaha ay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM kala wareegeen Al-shabaab.

Xildhibaanka oo u waramay Goobjoog News ayaa sheegay in shacabka ku dhaqan deegaano ay ka mid tahay degmada Baardheere ay muddo badan dhibaato xagga nolosha ah ay haysay, sidaa darteedna ay ku baaqayaan in dadkaasi samafal loo sameeyo.

“Gurmad degdeg ah hala geeyo meelaha laga qabsaday Al-shabaab, dowladda Federaalka Soomaaliya, Jubbaland, Koonfur Galbeed iyo Hay’adaha Samafalka ah waxaan leeyahay waa in aad gurmad degdeg ah la gaartaan shacabka ku dhibbanaa meelaha hadda la xureeyay” ayuu yiri Xildhibaan Dhuux.

Dhinaca kale xildhibaanka ayaa mar aynu wax ka weydiinay is qabqabsiga ku aadan maamulka Jubbaland, gaar ahaan dhanka Baarlamaanka iyo sida isaga uu xalka u arko ayuu sheegay in la xalin doono wax walba oo la kala tabanayo.

Waxa uu tilmaamay in ay jiraan beelo qaar oo degan deegaanada Jubbaland oo iska dhex waayay ama lagu yareeyay kuraasta Baarlamaanka, hase ahaatee lagu qancin doono maamulka intiisa kale waa sida uu hadalka u dhigaye.

Goobjoog News