U bood dhigaalka

In Ka Badan 10 Qof Oo Ku Geeriyootay Weerar Ismiidaamin Ah Oo Lagu Qaaday Hotelka Jazeera Ee Magaalada Muqdisho

Sheeko:Dalka

Waxaa soo baxaaya faah faahin ku aadan khasaaraha ka dhashay weerar Ismiidaamin ah oo galabta lagu qaaday Hotelka Jazeera ee magaalada Muqdisho, kaasi oo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta.

Wararka ay helayso Goobjoog News ayaa sheegaya in halkaasi ay ku dhinteen dad ka badan 10 qof, iyadoo weerarkaasi loo adeegsaday gaari nooca xamuulka ah.

Dadka dhaawaca ah ayaa illaa iyo haatan loo daabulayaa isbitaalada waaweyn ee ku yaalla magaalada Muqdisho, iyadoo dadka qaar dhaawacyadooda ay daran yihiin.

Hotelka ayaa la sheegay in weerarka looga soo qaaday dhabarka dambe, iyadoo qaraxa uu sameeyay xaafado shacab ay deganaayeen oo halkaasi ka dhaw, iyo sidoo kale xarumo kale oo muhiim ah.

Waxaa bur bur xoogan uu soo gaaray qeyb ka mid ah Hotelka Jazeera ee magaalada Muqdisho, iyadoo goobta ay gaareen ciidamada ammaanka ee dowladda Federaalka ah.

Khasaaraha ayaa intaasi kasii badan karo, iyadoo weli aanay saraakiisha dowladda faah faahin dheeraad ah ka bixin qaraxaan.

Dhawaqa Qaraxaan Ismiidaaminta ah ayaa laga maqlay inta badan degmooyinka magaalada Muqdisho, waxaana uu ahaa qaraxa mid aad u xoogan.

Weerarkaan maanta lagu qaaday Hotelka Jazeera ayaa noqonaya kii Sedaxaad, iyadoo horay loo weeraray Laba jeer.

Goobjoog News