U bood dhigaalka

Maamulka Degmada Wadajir Oo Baaraya Dilkii Xildhibaan Cabdullaahi Baantu

Sheeko:Dalka

Maamulka degmada Wadajir ee gobalka Banaadir ayaa sheegay in ay wadaan baaritaanno ku aadan sidii ay usoo qaban lahaayeen dadkii ka dambeeyay weerarkii shalay lagu dilay Xildhibaan Cabdullaahi Baantuu oo ka mid ahaa mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya.

Gudoomiyaha degmadaasi Axmed Cabdulle Afrax oo u waramay Goobjoog News ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay wadaan qorsheyaal badan oo ku aadan sidii loo soo qaban lahaa kooxdii dishay mudanaha.

Waxa uu tilmaamay Gudoomiyaha in rajada ugu wanaagsan ee hadda qabaan tahay in gacanta lagu soo dhigo cid walba oo dilkaasi ka dambeysay, isaga oo hoosta ka xariiqay in habeen iyo maalin aanay ka seexan doonin arrintaasi.

Shalay gelinkii dambe ayaa rag hubeysan waxa ay degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho ku dileen Xildhibaan Cabdullaahi Xuseen Maxamuud Muse Baantuu, iyadoo dadkii dilkaasi ka dambeeyay ay baxsadeen.

Goobjoog News