Yaa Ku Tartamaya Doorashada Jubbaland?
Maamulada Soomaaliya ka jira waa kala ceyn, waxaa jira shakhsi si loo doorto aqoon, lacag, waqti iyo dadaal dheer ku bixinaya halka nin kale la iska doorto micno la’aan iyo iyadoo xitaa aan la ogeyn sababta loo doortay iyo nin karmeed sedexaad oo isaga xulanaya dadkii dooran lahaa iyo qaabkii doorashadiisa u dhici laheyd!!
Doorashada Jubbaland 2015-ka, maalmihii la soo dhaafay waxaa ka jiray Riwaayad iyo karis badan, dadka falanqeeya siyaasadda dalka Soomaaliya waxaa ay fahmi karaan sababta Axmed Madoobe isagoo beesha caalamka iyo gobolka qancinaya uu Baarlamaanka ugu codsaday in muddo lagu daro xiliga la qabanayo doorashada Jubbaland, taasi oo uu baarlamaanka ka diidey.
Waxaa kaloo dhici karta in Madoobe uu cod ku lahaa in doorashada waqtigii lagu dhawaaqay la qabto kadib markii Talaadadii ay xildhibaanada diideen codsigiisa, isla maalintaas ayuu guddoomiyaha baarlamaanka Jubbaland Sheekh Cabdi Maxamed Cismaan ku dhawaaqay guddiga doorashada maamulkaasi oo ka kooban 9 xubnood.
Hadaba halkan ka akhri sababaha uu Axmed Madoobe ku noqday ninka dubtey ee Daangeysan doona Jubbland, uuna ku noqon doono madaxweynaha Jubbaland 4-ta sano ee soo socota.
Axmed Madoobe taariikhdiisii hore ka sokow, mudadii uu Jubbaland maamulayey wax badan qabtay , wadada ayuuna usii xaartay in markale la doorto kadib markii baarlamaanka uu isaga soo xulay, haddana ay markiisa isaga xushaan!!
Maqaalkan maanta kama hadlaayo tacadiyada laga tabanayo Axmed Madoobe iyo caburinta ay sheegtaan beelaha iyo Mucaaradka ka soo horjeeda balse waxaa ku soo qaadanayaa sida mudada uu xilkaas hayey gobolkaas u noqday mid muhiim ah iyo sida uu uga shaqeeyay dadkii dooran lahaa iyo qaabkii loo dooran lahaa!
Marka aad akhriso arimaha Jubbaland shalay iyo maanta waxaad ogaan doonta in ay mustaxiil tahay in Madoobe xiligan cid kale kula tartanto Jubbaland, dadka waxaa ay goobta u tagi doonaan in ay Axmed Madoobe doortaan, waliba cod aqlabiyad ah.
Maxaa ugu wacan ?
Axmed Modoobe waxaa uu gobolkaas iyo jagada kala wareegay Prof. Maxamed Cabdi Gaandhi oo bishii April 2011 isaga iyo ciidamo uu hogaaminaayo oo garab weyn ka helay Militariga Kenya ay dagaalo ku qaadeen xoogga Alshabaab oo markaasi ka talinayay guud ahaan gobolada Jubbooyinka iyo Gedo.
Gaandi waxa ay markaasi waxyar ka hor taageerayaashiisa u doorteen madaxweynaha maamul goboleed la magac baxay Azania , balse marka meel dhexe ay ciidamada marayaan , gaar ahaan magaalada Dhoobleey ayaa waxaa dagaalka kusoo biirey ciidamo yar oo uu hoggaaminayo Axmed Maxamed Islaam oo magacoodu ahaa Raaskaanbooni.
Ugu dambeyntii Axmed Modoobe, waxaa uu meesha ka saaray AZANIA isagoo dhisay Jubbaland, Maamulka hadda loo yaqaano Jubaland waxaa la dhisay 15-may 2013, kadib 500 oo ergo ah isugu timid magaalo madaxda Jubbada Hoose ee Kismaayo, iyagoo u doortay Axmed Moadoobe inuu noqdo Madaxweynaha maamulka Jubbaland.
Axmed Madoobe waxaa uu aqoonsi ka helay dowladda Federaalka ee Soomaaliya kadib markii bishii Augusto 2013-ka ay labada dhinac heshiis ku gaareen magaalada Adis Ababa, Waxaa labada wafdi kala hogaaminayey Madoobe oo Jubbaland ah iyo Faarax Sheekh C/qadir oo wakiil ka ahaa Dowladda Xasan Sheekh, ahaana wasiirka madaxtooyadda dowladda federaalka.
Axmed Madoobe Waxaa uu siyaasad uga adkaaday Barre Hiiraale, Barre waxaa uu Kismaayo kala wareegay Gen. Moorgan bishii June, 1999, Maxaakiimtii ayaa ka qabsaday kadib dib ayuu u qabsaday, laakin qisadaas waxaa soo afjatay Sheekh Axmed oo Barre iyo Ciidankiisa dibadda uga saaray magaalada waxyar kadib doorashadiisii, ugu dambeyntii Barre Hiiraale waxaa uu ku qancay heshiis ay dowladda soo bandhingtay kana shaqeeyay Faarax Sheekh Cabduqaadir August 29, 2014, labo maalin kadib Barre waxaa uu yimid Xamar, ilaa iyo hadda juuq lagama maqal!
Axmed Modoobe bishii March 9, 2015, waxaa uu Kismaayo ka furay Shir lagu sameynayo baarlamaan ay yeelato Jubbaland iyadoo May 7, 2015 Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud , wasiirka arimaha dibadda Kenya Aamina Maxamed, Wasiirka arimaha dibadda Itoobiya Tedros Adhonom , Wakiilka IGAD ee Soomaaliya, Wakiilo ka socda Qaramada Midoobey ay ka qeyb galeen xafladda Caleemo saarka Gudoonka Baarlamaanka ee Jubbaland, balse markii dambe baarlamaanka Federaalka ayaa sharci darro ku tilmamay baarlamaanka Jubbaland, sidaasi oo ay tahay dheg jalaq uma siin Madoobe!!
Axmed Madoobe, Waxaa uu gobolka ku xiray dad muhiim ah sida: Dowladaha Itoobiya iyo Kenya, Maamulka Cabdiwali Gaas, danjire Nicholas Kay, Maxamed Cabdi Afeey, bankiga Islaamka, Dowladda Imaaraadka iyo dowladda Federaalka oo Madaxweynaha, Wasiirka Koobaad, Wasiirada, Xildhibaanada iyo xitaa Ciidanka ay u noqotay goob ay jecel yihiin tagisteeda!
Madoobe qof kasta oo Muqdishu ka tago isagoo faraxsan ayuu kasoo laabtaa, waxaa intaa dheer dad badan oo Mucaarad ku ahaa waxaa ay ii sheegeen in ninkan wax lala cuni karo!!
Axmed Madoobe, waxa allog siyaasadeed la sameysay Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Gaas iyagoo isku aragti ka noqday arinka Hiigsiga 2016-ka iyagoo qaadacay shir ka dhacay Muqdishu 29-ka illaa 30-ka July 2015-ka.
Ugu dambeyntii hadda waxaa uu wada hadal u furay mucaaradkii kasoo horjeeday isagoo kula shiray Doolow, haddii caqabadaas uu ka gudbo, waa guul kale uu Madoobe gaaray.
Iyadoo ninkan uu intaa qabtay ayuu guddoonka Baarlamaanka sheegeen in muwaadin kasta oo reer Jubbaland ah isku soo sharixi karo doorashada Jubbaland ka dhici doonta 15-ka bishan.
Hadanba waa su’aale Ma lagu dhiirran doonaa in la isa soo sharaxo? Ma ka dhici doontaa Jubbaland doorasho la mid ah tii ka dhacday Galmudug? Mise Doorananaha ayaa la Dooran Doonaa?!!
Ustaad Cabdi Caziz Axmed Gurbiye
Goobjoog News