U bood dhigaalka

Guddiga Doorashada Jubbaland Oo Shaaciyay Tirada Musharraxiinta Ee Codsigooda Gudbiyay

Sheeko:Dalka

Guddiga Doorashada maamulka Jubbaland ayaa shaaca ka qaaday tirada Musharraxiinta ay illaa iyo iminka ka hayaan codsiga musharraxinimo iyo waqti harsan.

Afhayeenka guddigaasi Xildhibaan Xuseen oo warbaahinta kula hadlay magaalada Kismaayo ayaa sheegay in illaa iyo haatan ay hayaan araajida Seddax Musharrax, kuwaasi oo soo buuxiyay shuruudihii looga baahnaa.

Araajida ayuu sheegay Afhayeenka in lagu wareejiyay qeybta guddiga u qaabilsan baaritaanka ku aadan hadii ay wax ka maqan yihiin shuruudaha iyo hadii kale.

“Waxaan haynaa araajida Seddax Musharrax oo soo dalbatay in ay ka mid noqdaan musharraxiinta u taagan xilka madaxweynaha, waxayna soo gudbiyeen dhammaan macluumaadkii looga baahnaa, guddiga ayaa falan qeynaya araajida lasoo gudbiyay iyo sidoo kale in la hubiyo dhammaan in macluumaadkii la buuxiyay” ayuu yiri Afhayeenka.

Doorashada madaxweynaha Jubbaland ayaa dhici doonta 15-ka bishaan August, waxaana Arji qabashada ay ku egtahay 12-ka bishaan, iyadoo musharraxiintaan uu ka mid yahay madaxweynaha iminka talada haya Axmed Madoobe.

Goobjoog News