U bood dhigaalka

Amniga Degmada Cadaado Oo Go’aanno Cusub Laga Soo Saaray

Sheeko:Dalka

Guddi u xilsaaran amniga Galmudug ayaa kulan maanta ay ku yeesheen magaalada Cadaado waxa ay kaga hadleen amniga degmadaasi, iyaga oo go’aanno soo saaray.

Gudoomiyaha degmada Cadaado Cabdullaahi Cabdiraxmaan Xuseen oo kulankaasi ka dib saxaafadda la hadlay ayaa sheeay in la’isla gartay amniga degmada in isbedal lagu sameeyo, lana isku raacay qodobo dhowr ah.

Go’aanada guddiga uu gaaray waxaa ka mid ah, in magaalada oo dhan ay ka howlgali doonaan ciidamo amniga sugaya, islamarkaana gacanta kusoo dhigaya cid walba oo hubeysan ha wado darees ciidan iyo ama yuusan wadan.

“Qof walba gurigiisa hasoo dhigto qoriga, waxaan isla garannay in cid walba oo hub wadata la qabto hadii uu ciidan yahay xerada ha uga soot ago” ayuu yiri gudoomiyaha.

Tani ayaa ka dambeysay ka dib markii magaalada Cadaado ee gobalka Galgaduud kusoo batay dhallinyaro hub ku dhex wata magaalada, taasi oo qalqal amni keentay.

Goobjoog News