U bood dhigaalka

Cabdiweli Gaas “Dariskeena Dhow Iyo Midka Fog Waxaan Ugu Baaqeynaa In Nabad Lagu Wada Noolaado “

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay ugu baaqayaan dhammaan maamulada deriska la’ah iyo kuwa ka fog intaba nabad ku wada noolaansho iyo isla shaqeyn.

Gaas oo hadal ka jeedinayay shalay, shir looga hadlayo aayaha Puntland oo ka furmay magaalada Gaalkacyo, ayaa waxa uu sheegay in maamulkiisa uu yahay mid jecel nabadda iyo ilaalinta derisnimada.

Waxa uu tilmaamay in cid walba oo nabadda jecel ay soo dhaweynayaan, sidoo kalena ilaalinaysa derisnimada iyo wada noolaanshiyaha.

“Deriskeena dhow iyo midka fog intaba waxaan ugu baaqaynaa ku wada noolaasho Nabadeed, Puntland waxa ay horseed u tahay nabadda, waxaana mar walba aynu raadineynaa Soomaaliweyn” ayuu yiri Gaas.

Dhinaca kale Cabdiweli Gaas ayaa soo hadal qaaday arrinta ku aadan dowladda dhexe iyo sidoo kale kaalinta Puntland, waxaana uu sheegay in kaalin mug leh ay ka qaateen in la helo dowlad dhexe.

“Anaga kaalin weyn baan ku leennahay helista dowlad dhexe oo Soomaaliya u wada dhan tahay, wax badan baa inooga lumay raadinta arrintaasi, kamana hari donno waligeen illaa wixii dhumayna helno wixii aan ku dadaalnaynay noqdaan kuwo Soomaali oo dhan u ayso” ayuu yiri Cabdiweli Gaas.

Magaalada Gaalkacyo waxaa ka furmay shir looga hadlayo aayaha Puntalnd, kaasi oo ay ka qeybgaleen waxgarad badan oo ka kala yimid gobalada maamulkaasi ka arrimiyo iyo sidoo kale siyaasiyiin, waxaana shirkaasi socon doonaa muddo Afar Cisho ah.

Goobjoog News