U bood dhigaalka

Baaqyada Nabadeed Ee Loo Dirayo Beello Ku Dagaallamay Puntland Oo Soo Kordhaya

Sheeko:Dalka

Deegaanno ka mid ah Puntland waxaa dhawaan ku dagaallamay Beello walaalo ah oo wada degan halkaasi, iyadoo dagaalladaan ay sababeen khasaare dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyeed isugu jira.

Dagaalladaasi waxaa ku baxay waxgarad qaboojiyay xiisadda oo meel sare jirtay, hase ahaatee weli dagaallada gabi ahaanba ma ahan kuwa joogsaday, oo mararka qaar dilal baa dhaca.

Cabdalla Xaaji Warsame oo mar Puntland ay u magacawday gudoomiyaha degmada Laascaanood ayaa isaga oo u waramay Goobjoog News, waxa uu sheegay in dagaalladaan ay yihiin kuwo ka dhacay dhulka baadiyaha ah ee ku dhaw degmada Burtinle.

Waxa uu sheegay in waxgaradka Puntland meel walba ay isaga yimaadeen si loo xalliyo dagaalladaan, waxaana uu sheegay in hadda dadaalka uu socdo.

Mr Warsame ayaa ugu baaqay dhinacayada is haya in ay eegaan waxgaradka kusoo baxay dirirtooda, islamarkaana u istaagaan sidii ay nabadda kaalin uga qaadan lahaayeen, misane xaaladda lagu qaboojin lahaa.

Tan iyo markii dagaalladaan ay ka billawdeen deegaanada ku dhaw degmada Burtinle waxaa halkaasi ku dhintay in ka badan 5 qof, iyadoo dhaawaca uu gaarayo 10-kale.

Goobjoog News