Ra’iisul Wasaare Cumar Oo Magacaabay Maareeyaha Guud ee Mashruuca Horumarinta Xeebaha iyo Kalluuumeysiga
![](https://goobjoog.com/content/uploads/2015/05/Raiisul-wasaare-Cumar.jpg)
Wareegto kasoo baxday Xafiiska Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa xilka Magacaabid Maareeyaha Guud ee Mashruuca Horumarinta Xeebaha iyo Kalluuumeysiga u magacaabay Cabdi Jiinow Calasow oo horay u ahaa gudoomiyahii hore Shabellaha Dhexe.
Wareegtada ayaa sidaan u qoran
Ujeeddo: Magacaabid Maareeyaha Guud ee Mashruuca Horumarinta Xeebaha iyo Kalluuumeysiga
Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
Markuu arkay: Qodobka 99aad (A), (D) iyo (G) ee Dastuurka JFS.
Markuu arkay: Qodobka 100aad= (A) iyo (D) ee Dastuurka JFS.
Markuu tixgeliyey: Baahida loo qabo in la xoojiyo lana dardargaliyo Mashruuca Horumarinta Xeebaha iyo Kalluumeysiga
Markuu arkay: Taariikh-Nololeedka, khibradda iyo aqoonta Xeebaha ee uu leeyahay
aqoonyahanka hoos ku xusan
Wuxuu xeeriyey:
Qod.1aad
Magacaabid
Eng. Cabdi Jiinow Calasow, waxaa loo magacaabay Maareeyaha Guud ee Mashruuca Horumarinta Xeebaha iyo kalluumeysiga, laga bilaabo taariikhda sare ku xusan.
Qod.2aad
Dhaqan-gal
Magacaabidani waxay dhaqan-gelaysaa marka uu saxiixo Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka, waxaana lagu soo saarayaa Faafinta Rasmiga ah ee Dowladda.