U bood dhigaalka

Seddex Sano Kadib Khudbaddii Musharaxnimada Madaxweyne Xasan Sheekh

Sheeko:War

Maanta oo kale 8-dii bishii Sebteembar, 2012 waxa ay ahayd maalintii uu jeediyey khudbadiisa musharaxnimo markii uu xilka madaxweynenimada u tartamayay Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, xilkaasi oo labo maalin kadib ku guuleystey.

Seddex sano ayaa laga joogaa maalintaasi, waxayna ahayd maalin taariikhda Soomaaliya baal calaamadaysan ka gashay, waxayna ahayd biloowga muddo afar sano ah oo Soomaaliya ay galaysay xukun cusub iyo xaalado aanan markaasi la saadaalin karin.

Dadka intooda badan dhug iyo dareen gaar ah uma aysan heynin hadal-jeedinta Xasan Sheekh Maxamuud maadaamaa aanan markaasi wax badan laga aqoonin, islamarkaasina aanan loo saadaalineynin in uu xilka ku guuleysto maadaamaa ay tartamayeen dad siyaasadda kaga horeeyey.

Laakiin sida aad ka arki doonto tuduca ugu horeeya ee khudbadda, Xasan Sheekh isaga kalsooni badan ayuu ku qabay in uu ugu yaraan rajo wanaagsan leeyahay, sababtoo ah xildhibaano badan oo baarlamaanka ku jirey ayuu taageero ka heystey.

Haddaba waxaan halkan idiinkugu soo gudbineynaa khudbaddii oo dhameystiran bal si aad wax uga xusuusataan balanqaadyadii uu sameeyey iyo waxa maanta ka qabsoomey.

 

Khudbadii Murashax Xasan Sheekh Maxamuud

Taariikhda: 08/09/2012

Goobta: Golaha Shacabka

Hore u dhaca Khudbadda

Bismilaahi raxmaani raxiim asalaamu caeykum, ugu horeyntii Mudane gudoomiye, xildhibaanada iyo marti sharafta waa idiin salaamayaa dhamaantiin, salaan ka gadaal, waxaan rabaa inaan u mahadceliyo xildhibaanada federaalka Jamhuuriyada Soomaliya ee waqtigooda iyo dhagahooda I siiyay inaan halkan uga soo jeedyo barnaamijkayga siyaasadeed, waxaa kaloo rabaa inaan u mahadceliyo xildhibaanadii Soomaaliyeed ee soo rashaxay ama I soo jeediyay inaan noqdo murashax ka tirsan murashaxiinta tartanka madaxweynimada sanadka 2012-ka

Mudane gudoomiye, Mudanayaal iyo Marwooyin, Xildhibaanada qaranka Soomaaliyeed iyo dhamaan shacabka Soomaaliyeed iyo marti sharafta nagala soo qeyb gashay fadhigaan, salaan ka gadaal, waxaan u mahadcelinayaa waqtigiina qaaliga ah ee aad i siiseen, si aan idiinku soo bandhigo aragtidayda siyaasadeed ee la xiriirta hogaaminta dalka xili Soomaaliya ay qabto baahi is-badal iyo hoggaamineed oo leh karti, hufnaan kaasoo ku shaqeynaya caddaalad, nabad iyo horumar

Mudane guddoomiye, mudanayaal iyo marwooyin, dhibaatadeeda ma aha, waxa nagula tilmaamo oo kaliya, duruufo aad iyo aad u adag ayaa ka jira dalkeena oo ay ummaddeena maanta soo martay in ka badan 22-sano oo dhibaata ah oo dalka duruufo adag ku jiray, waxaan maraynaa marxalad xasaasi ah oo ku sifaysan sida uu tilmaamay abwaankii Soomaaliyeed ee yiri ’Markay is wada dooxataybaa daad usoo galaye, dab haduu baqtiyo meelbaa dadab ka qiiqaaye’……qiyaaso xanuun badan oo shacaka Soomaaliyeed soo maray oo uu muteystay in lagu tilmaamo tilmaamo xun laakin ay sababeen duruufihii soo jiray mudada dheer

Bal qiyaas gabar Soomaaliyeed oo ku dhalatay xero qaxooti ama xero barakac gudaheed kadibna ku kortay kadibna ku noqotay hooyo Soomaaliyeed oo leh caruur iyada iyo caruurteedana ay ku wada noolyihiin xeradaii inta ay Soomaaliya ka garanayaane ay tahay inta ay saxaafadda ka maqlaan ama ay ka arkaan, bal qiyaas subax subaxyada ka mid ah oo aad soo joogtay oo hooyo Soomaaliyeed oo caruurteeda canjeero u dubanaysa uu madfac habaw ah inta ku habsaday oo caruurtii iyo ayadaba qaarna ay dhinteen qaarna ay dhaawacmeen oo ay la kulmeen naafow nolashooda inta ka hartay ay la noolaadaan, bal xasuuso kuwa cabsi amni iyo kuwa dhaqaale awgood isugu tuuray badaha oo boqolaal iyagoo ah ku naf waayey badda gudaheeda ama markii ay ka gudbeen badahana lagu xadgudbay xuquuqdoodii banii’aadanimo, meeqa Soomaali ah oo laga yaabo qaarkood inay goobtan nala joogaan ama hawada naga dhageysanayaan oo iyagoo aan dambi laheyn inta la afduubtay la dulleeyay, xuquuqdoodiina meel looga dhacay

Mudane guddoomiye,mudanayaal iyo marwooyin bal milicsada degmada ama xaafadda aad ku nooshahay ama tuulada aad ku nooshahay oo aad joogto, inta yar ee fursadda tacliinta heshay ka sokow meeqa caruurteena ka tirsan ayaa waddada carrada ku beegta ka dibna ku sifooba dib-jirnimo, meeqa caruurteena ka tirsan ayaa la il daran ama u geeriyootay xanuuno la daaweeyn karay, meeqa waayeelkeena ka tirsan ayaa waayey daaweyntii iyo xanaanadii ay u baahnaayeen, xaqana ay u lahaayeen dalkooda, imisa jeer ayaad goobjoog u soo aheyd nin danbiile ah oo gacan-ku-dhiigle ah oo qof muwaadin ah oo aan dambi galin inta dilay ka dib dambigii uu galay inta laga xayuubiyay oo laga qaaday la yiri reer hebel baa reer hebel dilay, kadibna ay sababtay kuwa ka loo aan dambi laheyn oo sababta ay u dhinteen ama u dhaawacmeen ay tahay ninkaas dambiilaha ah inay ku reer ahaayeen oo kaliya.

Xaddiga kala aamin baxa iyo kalsooni darada ummaddeena dhex martay ee asbaabtaas aan soo sheegay iyo in kaloo la mid ah ay geysatay waxaa sabab u ahaa dowlad la’aanta ama dowlad dalka hanata oo aanan dhicin.

Mudane gudoomiye,mudanayaal iyo marwooyin haddii aan intaas kusoo kobo muuqaalka aan quruxda badneyn ee maanta ka jira dalkeena, waxaa xusid mudan inaan leenahay taariikh midnimo iyo mid siyaasadeed oo magac iyo maqaam kusoo yeelatay dunida hadda ka hor, waxaan ku sifoownay marka la fiiriyo Afrikadii xurowday 1960-yadii, waxaan aheyn kuwoo dal si sahlan oo colaad iyo maquunis laheyn ku midoobey iyagoo waliba ka xuroobay labo nidaam gumaysi oo aad iyo aad u kala duwan, waxaa in lagu faano mudan inaan laheyn madaxweynihii ugu horeeyay Afrikadii xurowday 60-kii ee xafiiska doorasho ku yimid kadib doorasho uga tagay, aad iyo aadna ay ugu yareed dalalkii xuroobey 60-kii inay sidaa ka dhacdo.

Waxaan aheyn dalka kaliya ee qaarada Afrika ku yaala ee u hardamaayey sidii ay ummaddiisa dowladnimo iyo dowlad u noqon laheyd, halka dalal kale oo fara badan oo qaarada ku yaala ay halgamayeen oo dadaal badan ugu jireen ummadnimo kala duwaashaha ay kala duwanaayeen awgeed, sidoo kale Soomaaliya waxay magac iyo maqaam ku laheed ururo caalami ah oo waaweyn oo ay wax ka dhistay oo aababulkoodii ama dhismahoodi ay laheyd, Jamhuuriyada Soomaaliya waxay aheyd dowladihii ugu horeeyay ee wax ka aasaasay ururkii Midowga Afrika ee loo yaqiin OAU, waxaa kaloo aan hormuud ka aheyn aas-aasidii ururka OAU oo aan madaxweyheenii waqtigaa ka mid ahaa ra’yigaas uu kasoo curtay ama uu ka yimid, Soomaaliya waxay xubin firfircoon ka aheyd oo laga qadarin jirin dhamaan siyaasadda ururadaas oo ay aad iyo aad caan ugu ahyed.

Lix da Tiir ee Saldhiga u ah Siyaasadda Dowladda Madaxweyne Xasan Shiekh

Mudane gudoomiye, mudanayaal iyo marwooyin hadii aad ii doorataan iguna aamintaan xilka madaxweynaha dalka waxaan barnaamijkeyga siyaasadeed kusoo koobayaa, waxaa saldhig u ah lix tiir oo aan u bixiyay tiirarka waaweyn oo aan u ugu magacdarnay dib usoo kabashada ama dib u soo noolaashada Soomaaliya.

Tiirka koowaad:- Xasillinta dalka, Sarreysiinta Sharciga iyo Dowlad Wanaaga

Xasillinta dalka waa tiir ka mid ah tiirarka ugu muhiimsan ee ay ku taagnaan karto dowladnimo waarta oo hano-qaadda, waxaana ugu horeeya xasillinta dalka: Amniga, Garsoorka, Dowlad-dhisidda iyo Dowlad-wanaaga, waxaa dib-u-habeyn ku sameyn doonaa hadii alle yiraado, xoojin doonaa hay’adaha amniga qaranka si ay awood buuxda ugu yeeshaan hanashada amaanka dadka iyo dalka muddo gaaban gudaheed, waxaan dhisayaa ciidan tayeysan oo leh tiro ku filan oo ay ku gutaan waajibaakiisa qaran, isla markaasna heli doona xuquuqda iyo dayeelkooda joogtada ah,waxaan abuuri doonaa xiriir ku saleysan kalsooni u dhaxeysa shacabka iyo ciidamada qalabka sida, dalkeena waxaa lagu caleemeeyaa marar badan arrimaha xag jirnimada, waxaan ka hortagi doonaa afkaarta xagjirnimada midda diineed iyo midda qabiileed intaba, korna waxaa u qaadidoonaa doorka ay culumada ku leedahay la dagaalanka xagjirnimada, sidoo kale waxaa nasiib dari aa u xanuun badan ah arrinta burcad baddeedka dalka Soomaaliya mar walba magaciisa lala xiriiriyo, waxaan xoogga saari doonaa ciidan ilaaliya badaha Soomaaliya oo ka hortaga burcad badeednimada iyo kaluumaysiga sharci darada ah ee lagu daldasho kheyraadkeena, waxaan fursad iyo shaqo u abuuri doonaa dhalinyarada camalka ka dhigatay falalka burcad badeednimada”

Garsoorka: Mudane gudoomiye, mudanayaal iyo marwooyin, xasilin guud kama suuro-galayso dalka inta laga helaayo garsoor madax banaan oo cadaalad ah, sidaas daraateed waxaan dhisayaa nidaam garsoor iyo caddaalad madax-banaan oo kalsooni iyo aaminaad ugu qabta howshiisa heysta, oo kalsooni iyo aaminaad siiyay muwaadinka Soomaaliyeed, isla markaasna dhowra xuquuqda iyo xuriyadda aas-aasiga ah ee muwaadinka, waxaan soo celin doonaa sharaftii iyo heybaddii hay’adaha garsoorka iyo garsoorayaasha, waxaan hirgalin doonaa nidaamka xisbiyada badan si loo xaqiijyo in shacabka doortaan madaxdooda si xor iyo xalaal ah

Geedu u socodka dhismaha dowladnimada: Mudane gudoomiye, mudanayaal iyo marwooyin, si loo dhiso dowlad dhameystiran, waxaan hoosta ka xariiqayaa in diinta islaamka tahay saldhigga hab-nololeedka shacabka Soomaaliyeed, waxaan dhameystirayaa dastuurka, gaarsiinayaa heer loo qaado afti qaran, waxaan ku baahinayaa awoodda dowladnimada dhamaan gobolada dalka iyadoo aan la tashan doono xildhibaanada Soomaaliyeed iyo indheer-garadka dalka”

Haweenka waa laf dhabarka umada Soomaaliyeed, waxaan kor u qaadayaa doorka haweenka ee ka qeyb galka qeybaha kala duwan ee dowladnimada.

“Dhallinyarada waa udub dhaxaadka dalka, waxaan hubin doonaa inaan u diyaarino hogaanka iyo hor-umarka dalka ee mustaqbalka.

Dowlad-wanaaga: waxaan dhisayaa maamul dowladeed oo ku saleysan aqoon, karti, hufnaan iyo wada tashi, waxaan cirib tirayaa musuq-maasuqa, eexda, laaluushka iyo lunsashada iyo ku takri falka hantida Soomaaliyeed, waxaan abuurayaa hadii alle yiraahdo guddi madaxbanaan oo la dagaalamay musuq-maasuqa, isla markaasna, waxaan dhisayaa hay’addaha isla xisaabtanka dowladda ka mas’uulka ah, waxaan hor-u-marinayaa shuruucda maaliyadda dalka, isla markaana abuurayaa hay’ado qaran oo u xil saaran uruurinta cashuuraha iyo dakhliga guud ee dalka.

Waxaan dhiiri-galin doonaa warbaahinta madax banaan oo mas’uul ah, waxaan aad iyo aad dowlad wanaaga ka mid oo tiirarkeeda hormarin doonaa wada shaqeynta madaxtooyada iyo barlamaanka Jamhuuriyada Soomaaliya.

Tiirka labaad: Soo Noleynta Dhaqaalaha Dalka

Mudane guddoomiye, mudanayaal iyo marwooyin kaabayaasha nolosha waxaan ka shaqeynaynaa sidii kor loogu qaadi lahaa nolosha muwaadinka iyo midda qoyska Soomaaliyeed, waxaan abuurayaa haddii alle yiraahdo xarumo lagu tababaro xirfadlayda iyo xoogsatada Soomaaliyeed si ay u sahlanaato inay shaqeystaan, soona saartaan noloshooda.

Waxaan dhiiri-galinayaa hor-umarinta dhaqaalaha qoyska, sidii qoyska Soomaaliyeed ay miiskiisa u saarnaato wixii ay cuni lahaayeen, waxaan kobcinaynaa wax-soo-saarka dalka sida kan beeraha, xoolaha, Kaluumaysiga, isla markaana ka shaqeynayaa sidii wax soo saarkaas loogu heli lahaa suuqyo caalami ah.

Waxaan ka hortagaynaa xaalufinta deegaanka iyo duur-joogta haddii alle yiraahdo, sidoo kale waxaa muhiimada saari-doonaa dib usoo celinta qaxootiga iyo dib u dajinta barakacaasha.

Kaabayaasha dhaqaalaha, waxaan ka shaqeyn doonaa haddii alle yiraahdo dayactirka kaabayaasha dhaqaalaha sida waddooyinka, buundooyinka, kanaallada, dekaddaha iyo garoomada diyaaraddaha, waxaan hirgalin doonaa mashaariic cusub oo lagu dhisaayo kaabayaal cusub gobolada dib u dhacsan sidii heerka nolosha bulshada u noqoto mid isu dheeli tiran.

Tiirka Sedexaad: Nabadeynta iyo Dib- u-Heshiisiinta

Muddane guddoomiye, mudanayaal iyo marwooyin, waxaan dhisayaa hadii alle yiraahdo guddi heer qaran oo waajibaadkiisa tahay dib-u-heshiisiinta, waxaan door muhiim ah siin doonaa hoggaamiyaasha bulshada sida duubabka dhaqanka, culimaa’udiinka, haweenka, dhalinyarada, waxaana la abuuri goloyaal gaar u ah wada tashiga bulshada”

Waxaan ka howgali doonaan sidii loo abuuri lahaa bulsho Soomaaliyeed oo ka caafimaad qabta caddaalad darida, heyb sooca, quursiga, kooxeysiga iyo sadbursiga.

Tiirka Afaraad: Soo Nooleynta Adeegyada Bulshada

Mudane guddoomiye, mudanayaal waxaan soo noleynayaa adeegga bulshada, dhinaca tacliinta, qaasatan dhinaca caafimaadka iyo ilaalinta deegaanka iyo faya dhowrka guud ee bulshada.

Tiirka shanaad: Midnimada iyo Wadajirka Ummadda Soomaaliyeed

Waxaan geed dheer iyo geed gaaban u fuuli doonaa in la helo Soomaaliya mid ah oo dadkeeda iyo dalkaba ay mideysan yihiin, wada hadalka bilowga ee u bilowday Somalia iyo Somaliland waa sii hormarinaynaa, caqabad kasta oo hortaagan waa ka qaadeynaa, midnimada Soomaaliya waxaan rabnaa inay ku timaado, si wadajir ah iyo si la wada doonayo oo aan qolana lagu dhibin, qolana xoog lagu qasbin, xooggaasi hadduu yahay mid ciidan iyo mid diblomaasiyadeedba si loo helo midnimo waarta oo dib u dhac dambe aanu ku imaanin, dowlada aan dhisayo waxay muhiimad wayn siin doontaa sii wadidda iyo ka-miro-dhalinta hadafkaas midnimada qaranka soomaaliyeed ah, waxaan amaanayaa maamul gobeedyada dalka ka jira si amni u sameeyaan dalka”.

Tiirka Lixaad: Dib U Dhiska Dalka Ilaalinta iyo Abuuridda Xiriir Caalami ah

Mudane Guddoomiye mudanayaal waxaan dhisayaa xiriir caalami ah oo ku saleysan iskaashi iyo wadajir, waxaan soo celinaynaa sharaftii iyo karaamadii ay laheyd ummadda Soomaaliyeed, waxaan ku dadaaleynaa Soomaalida cusub inay xiriir wanaagsan oo ku dhisan iskaashi iyo is qadarin la yeelato waddamada dariska ah iyo kuwa caalamka intaba, waxaan qabnaa ra’yiga ah geeska Afrika oo ka madax banaan ku tartanka hubka iyo colaada oo ay qowmiyada iyo dalalka ku nool ay dhex marto is qadarin iyo wada shaqeyn dhinaca amniga, dhaqaalaha, ganacsiga”

Mudane guddoomiye waxaan ka mahadcelinayaa sida qadarinta leh ee Baarlamaanka Jamhuuriyada Federaalka Xildhibaanadiisu ay ii dhageysteen.

Wabilaahi Toqfiiq.

Goobjoog News