Wasiirada oo Ka Hadlay Shilin Soomaali Cusub oo Lagu Soo Daabacayo

Kulankii golaha wasiirada ee todobaadkan ayaa looga hadlay lacag shilin Soomaali Been Abuur ah oo dhawaanahan suuqyada soo gashay, gaar ahaan Puntland iyo Galmudug, waxayna ka digeey in cawaaqib xumo ay la kulmeyso ciddii lacagtaasi lagu qabto.
Shirka oo uu guddoominayay wasiirka caddaalada Soomaaliya Cabdullaahi Axmed Jaamac Ilka Jiir ayaa sidoo kale looga hadlay qorsheyaal ay wadaan wasaaradda maaliyadda iyo bangiga dhexe oo lagu soo daabacayo shilin Soomaali Cusub.
Dowladii KMG ee uu hogaaminayey Allaha u naxariistee Cabdulaahi Yuusuf Axmed Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa horey ula wareegay makiinado ay ganacsato ku doonayeen in ay dalka ugu faafiyaan lagaco been abuur ah oo ay soo saareen, talaabadaasi mid la mid ahna waxaa looga fadhiyaa dowladda Federaalka Soomaaliya si looga bad-baadiyo dalkeena lacagaasi been abuurka ah ee qaybo ka mid ah suuqyada dalka la soo galiyey xiligani.
Dhawr jeer oo hore ayay dowladda ka hadashay soo daabicista shilin Soomaali cusub, hase yeeshee wali ma aysan dhicin taasi.
Goobjoog News