U bood dhigaalka

Shirweynaha 70-aad Ee Golaha Guud Ee Qaramada Midoobey Oo Furmay iyo Ajendayaasha Looga Hadlayo

Sheeko:Dalka

Kulamada Kalfadhigan 70naad ee Jimciyadda Qurumaha ka dhaxeysa waxaa ay furmeen September 15, 2015 iyadoo ay horay u kulmeen guddiyo kala duwan iyo shirar badan sida Shir Madaxeedkii lagu ansixiyay Global Goals 2030-ka ee xarunta ka dhacay maalmihii 25-27-ka bishan.

Ajenadayaasha Looga hadlayo inta uu shirkan socdo  waxaa ay gaarayaan ilaa 170 Ajende oo ay ka mid yihiin: iliilinta Nabad galyada iyo xasiloonida caalamka, in laga fogaado dagaallada hubeysan, la dagaalanka waxa loogu yeero Argigixisada, ka fogaanta Midab takoorka iyo Ajaanib naceybka, ilaalinta deegaanka iyo global Goals iyo arimo kale.

Waxaa kaloo Fadhigan looga hadli doonaa dib u habeyn lagu sameeyo golaha Amaanka iyo in kor loo qaado tirade dalalka ku jira iyo ololaha ninkii badali lahaa Ban Ki Moon.

Sanadkan waxaa kaloo la filayaa in Khudbadaha Madaxweynayaasha 93-da  dal ee ku jira golahan ay micno gaar ah yeeshaan, dhibaatooyinka looga hadli doono waxaa ka mid ah Suuriya, Yemen, Ukrain, Argigixisada, is badalka Cimilada iyo Qaxootiga ku qulqulaya Qaaradda Yurub.

Maanta waxaa la filayaa in ay Khudbeeyaan Madaxda Ruushka, Ingiriiska, Mareykanka, Brazil, Poland iyo Faraniiska iyagoo ka hadli doona arimaha Dimoqoraadiyadda, Qaxootiga, Daacish, Is badalka Cilimada iyo sidii xal looga gaari lahaa dhibaatada bariga dhexe gaar ahaan Falastiin iyo Isra’il.

Jimciyadda Qurumaha ka dhaxeysa waxaa ay ka mid tahay lixda hay’adood ee ka koobad tahay Qaramada Midoobey, waxaa ay mas’uul ka tahay dajinta Siyaasadaha guud ee Caalamka, waa meesha looga codeeyo arimaha muhiimka sida Codeynta arimaha Amaanka, Nabadda,

Shaqooyinkeeda waxaa ka mid ah: Nabad ilaalinta, Xalinta Murannada, Meel Marinta Miisaaniyadda Qaramada Midoobey, doorashada xubnaha aan joogtada aheyn ee Golaha Amaanka iyo xitaa doorashada Xogeyaha guud ee Qaramada Midoobey markii ay golaha amaanka soo jeediyaan.

Dowlad kasta waxaa ay leedahay hal cod marka laga reebo dowladaha aan bixin ishtiraakaad ama Lacagaha Wadamada laga qaado, Hadda waxaa jiro 5 dal oo aan loo ogoleyn in ay cod ku yeeshaan Kalfadhigaan 70naad ee Qaramada Midoobey, shantaas dal oo ay Soomaaliya ku jirto waxaa au kala yihiin: Comoros, Guinea-Bissau, Sao Tome and Principe, Somalia, Yemen

Dhanka Soomaaliya: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa September 26keedii ka amba baxay magaalada Muqdishu si uu uga qeyb galo shirweynaha 70-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Madaxweynaha ayaa inta uu joogo New York waxaa uu ka qeybgeli doona furitaanka doodaha shirweynaha Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, shir gaar ah oo heerkiisu sareeyo oo ku saabsan arrimaha Soomaaliya oo dhacaya maalinta Isniinta ee 28-ka bisha September, iyo shir madaxeed uu Madaxweyne Barack Obama martigelinayo, kaas oo looga hadlayo ka hortagga argagixisada iyo kooxda ISIS oo dhacaya 29-ka bisha September.

Waxaa kale oo uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud kulamo kala duwan la yeelan doona madaxda caalamka oo uu ka mid yahay Ra’iisul Wasaaraha Britain, David Cameron iyo mas’uuliyiin kale, Madaxweynaha waxaa socdaalkiisa ku wehliya xubno sare oo ka tirsan Dowladda Federaalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Khudbad ka jeediyay xarunta Jimciyadda Qurumaha ka dhaxeysa September 26, 2013 waxaa uu kaga hadlay arimo badan sida: weerarkii Westgate Mall isagoo ku dooday in Al-shabaab tahay Khatar Caalami ah, Xasan waxaa uu Madaxda Caalamka u sheegay sidoo kale in ay jabiyeen Al-shabaab Militari ahaan,  waxaa uu aad u amaanaay New Deal oo markaas cusbaa.

Waxaa uu soo hadal qaaday Mashruucii “Go to School”, waxaa uu sidoo kale Madaxweynaha ka hadlay Guddiyadii uu Baarlamaanka ansixiyay, Heshiiskii lagu dhisay Maamulka KMG ah ee Jubba, Wada hadalka Turkiga dhex dhexaadinayey ee Soomaaliya iyo Somaliland iyo isagoo u Mahadceliyaya IGAD, AMISOM iyo UNSOM, waxaa uu Xasan Sheekh dhalceeyay Maxkamadda dambiyada Aduunka isagoo ku tilmaamay in ay Siyaasadeyndan tahay.

Lakin Sanadkan arimaha waa ay ka duwan yihiin, Xasan Sheekh waxaa uu tagayaa Shirka  Jimciyadda Qurumaga ka dhaxeysa iyadoo uu Baarlamaanka horyaallo Mooshinka isaga ka dhan ah, Xilli Al-shabaab ay qabsatay magaalooyin badan oo ku jiray gacanta dowladda, iyadoo ay is taageen Wada hadaladdii Soomaaliya iyo Somaliland, iyagoo aan la ansixin dastuurka, iyadoo lagu guul-dareysaty in doorasho hal qof iyo Codkii dalka ka dhacdo 2016-ka iyo iyadoo dalka ay ka jiraan arimo badan oo xasaasi ah.

 

Hay’adda Qaramada Midoobay( United Nation):

Waa Urur Dowli ah oo shaqadiisu tahay fududeynta sharciyadda caalamiga, arimaha Amaanka, Dhaqaalaha, Bulshada iyo Xuquuqu insaanka.

ururkan waxaa la Aas-aasay 24-October 1945-tii magaalada Sanfarancisco ee dalka Mareykanka kadib markii ay bur-burtay ururkii ka horeeyay ee League of Nations kasoo wax ka qaban waayey dagaalkii Labaad ee Aduunka.

Xarunta ugu weyn ururka Qaramada Midoobay waxay ku taalaa New York, Maxkamadda Cadaaladda Waxay ku Taal Hague iyadoo Xarumo kale ku leh Magaalooyinka Geneva, Vienna iyo Nairobi, Golaha Amaanka waa hay’adda ugu sareysa Qaramada Midoobay, waa Gole awood u leh fara-galinta Khilaafaadka iyo Xalintooda.

Dhanka Siyaasadda Waxaa Hay’adaheeda ka mid ah: Jimciyadda Qurumaha,  Golaha amaanka iyo Goloyaal kale.

Jimciyadda Qurumaha ka dhaxeysa waxaa ay ka mid tahay lixda hay’adood ee ka koobad tahay Qaramada Midoobey, waxaa ay mas’uul ka tahay dajinta Siyaasadaha guud ee Caalamka, waa meesha looga codeeyo arimaha muhiimka sida Codeynta arimaha Amaanka, Nabadda,

Shaqooyinkeeda waxaa ka mid ah: Nabad ilaalinta, Xalinta Muranada, Meel Marinta Miisaaniyadda Qaramada Midoobey, doorashada xubnaha aan joogtada ayeyn ee Golaha Amaanka iyo xitaa Xogeyaha guud ee Qaramada Midoobey markii ay golaha amaanka soo jeediyaan.

Dowlad kasta waxaa ay leedahay hal cod marka laga reebo dowladaha aan bixin Ishtiraakaad ama Lacagaha Wadamada laga qaado, Hadda waxaa jiro 5 dal oo aan loo ogoleyn in ay cod ku yeeshaan Kalfadhigaan 70naad ee Qaramada Midoobey, shantaas dal oo ay Soomaaliya ku jirto waxaa au kala yihiin: Comoros, Guinea-Bissau, Sao Tome and Principe, Somalia, Yemen

Hay’adaha Qaramada Midoobay ee Gaarka ah:

  1. Barnaamijka Cuntada Aduunka( World Food Programme)
  2. Barnaamijka Bay’ada( United Nation Enviroment Programme)
  3. Ururka Tarbiyada,Culuumka iyo Thaqaafada( United Nations Educational Scientific and Cultural Org)
  4. Hay’adda Qaxootiga Aduunka (United Nation High Commissioner for Refugees Goodwill).
  5. Hay’adda Caafimaada (World Health Org).
  6. Bankiga Aduunka( World Bank)

Iyo Ha’ado kale sida: International Civil Aviation-ka oo ah Ha’adda Duulimaad iyo International Monetary Fund …iyo hay’ado kale.

Luqadaha Rasmiga ee Qaramada Midoobay waa: Carabi, Ingiriis, Shiinaca, faransiiska, Ruushka iyo Spanish-ka

Abdi Aziz Gurbiye,