U bood dhigaalka

Taliyaha Ugu Sareeya Ciidamada Puntland Oo Sheegay Inuu Is Casilayo

Sheeko:Dalka

Jeneraal Saciid Maxamed Xirsi (Dheere) oo ah taliyaha ciidamada Puntland ayaa ku hanjabay inuu is casili doono hadii aan degdeg lagu bixin mushaarka ciidamada maamulkaasi.

Waxa uu sheegay in guud ahaan ciidamada Puntland ay yihiin kuwo aan muddo badan qaadan wax mushaar ah, islamarkaana isaga uu waday dadaallo ah sidii ciidanka qarashaadka ay leeyihiin loo siin lahaa, balse uu waayay wax usoo jawaaba.

“Ninka askariga ah ee shaqeynaya, difaaca ku jira waxa uu u baahan yahay inuu helo mushaarkiisa markii ay bisha dhamaato, hadii uu weynayo waa in sabab loo yeelaa, madaxda markii ay hadleyso waxay dhahaan mushaar waa la siiyaa, aniga ayaa taliyaha ciidamada Puntland ah, waxaan cadeynayaa in wax mushaar ah aan lasiin ciidamada, muddo badan ma aanay qaadan wax mushaar ah, waxaaba noogu daran mas’uuliyiinta dowladda markii ay Idaacadaha ka hadlaan ciidamadii waxay na leeyihiin idinkaa qaata lacagta, meel kama dambeys ah ayeey hadda naga joogtaa waa in ciidanka Mushaarkiisa la bixiyaa, hadii askariga uu gaajoonayo aniga taliye ma ahaanayo oo waan is casilayaa, intaan samri karo waan sabray, waxa iga hadlinaya waa arrin la qarin waayay” ayuu yiri Taliyaha.

Dhinaca kale Taliye Dheere ayaa meesha ka saaray in xilligaan dhaqaale xumo ay hayso maamulka Puntland, waxaana uu sheegay in la awoodo in ciidamada maamulkaasi dhammantood si wada siman bil walba loo siiyo mushaarka.

Wixii ka dambeeyay markii uu xilka madaxweynaha Puntland qabtay Cabdiweli Gaas, waxaa isasoo tarayay cabashada ay qabaan ciidamada ee dhanka mushaar la’aanta ah.

Goobjoog News