Madaxweynaha Nigeria Oo Isku Magacaabaya Wasiirka Petrolka Dalkaasi
Madaxweynaha Nageria ayaa Wakaaladda Wararka ee Reuters u sheegay Talaadadii in uu qaban doono Wasaaradda Petroolka dalkiisa.
Maxamed Bukhaari ayaa sababta ku sheegay in aanay jirin cid kale uu ku aamino Wasaaraddan Kheyraadka badan.
Madaxweynaha Nigeriya weli ma dhisin Xukuumadda balse Baarlamaanka ayaa ka sugaya in horkeeno Madaxweynaha Xukuumad maalmaha soo socota.
Bukhaari oo haatan ku sugan Shir Madaxeedka Jimciyadda Qurumaha ka dhaxeysa ayaa sheegay in Wasaaraddan ay ku tiirsan yihiin dhaqaalaha dalkaas 70%-kiiba.
Madaxweynaha waxaa uu horay Madax u aga ahaa xafiiska Petroleum Trust Fund 90-naadkii xiligii Madaxweyne Sani Abacha, waxaa kaloo uu ahaa Wasiirka Wasaaradda Petroolka 70-yadii xiligii dowladdii Olusegun Obasanjo.
Maxamed Bukhaari oo doorashada u galay la dagaalanka Musuqa ayaa intaa raaciyay in uu dib u soo celin doono dhamaan lacagihii la xaday.