U bood dhigaalka

Dowladda Turkiga Oo u Yeertay Safiirka Ruushka u Fadhiya Dalkeeda

Sheeko:Dalka

Dowladda turkiga ayaa u yeertay markale safiirka ruushka u fadhiya dalkeeda kadib markii Turkigu uu sheegay in markale hawadeeda uu ku xadgudbay dalka Ruushka.

Ciidamada cirka ruushka ayaa todobaadkan gudihiisa Laba jeer isticmaalay hawadda dalka Turkiga isaga oo doonaya in uu duqeyn u geysto mucaaradka Siiriya.

Wadamada Gaashaan buurta Nato ayaa ruushka ugu baaqaya in uu duqeynta ka joojiyo mucaaradka siiriya iyo dadka rayidka ah sida lagu xusay war saxaafadeed xarunteeda ka soo baxay.

Dalka ruushka ayaa ku adkeysanaya in duqeynta ay ku wadaan ururka dowladda Islaamiga ah iyo kooxo kale oo ruushku ku sheegey in ay mitidiin yihiin.

Ruushku waxa uu qirtay in Sabtidii sakeno aad uu uyar uu ku jiray hawadda dalka turkiga sababo la xiriiray cimiladda oo aad u liitay, balse si rasmi ah ugama hadlin xadgudubka dowladda Turkigu ay sheegtay in Axadii uu dhacay.

Xog-hayaha umuuraha dibadda dalka Mareykanka John Kerry ayaa  sheegay in dalka Turkigu uu xaq uleeyahay in uu soo rido haddii diyaaradaha Ruushku ay ku soo xad gudbaan hawadiisa.

Dowladda turkiga oo uu dagaal uga furanyahay dhanka Kurdiyiinta ayaa hadda dooneysa in xuduuda ay la wadaagto siiriya laga hirgaliyo Aag diyaaradaha ka caagan.

Turkiga ayaa sheegay in diyaarahooda ay arkeen kuwa Ruushka oo kasoo tilaabay xadka ay la wadagaan Suuriya, iyagoo markii dambe diyaaradaha Ruushka lagu qabsay in ay dib ugu noqdaan hawada Suuriya.

Dalalka 28-ka ah ee xubnaha ka ah NATO oo Turkiga ay ku jirto ayaa uga digay Ruushka in mar kale ku soo gardarooto hawada Turkiga.

Turkiga waxaa uu sidoo kale ka sheegtay duqeynta Ruushka uu ka wado dhulka Suuriya iyadoo Ku Eedeeyay Ruushka Duqeynta Mucaaradka Bashaar Al-Asad ee ujeedadoodu in aanay aheyn Daacish.

Madaxweynaha Turkiga Rajeb Tayib Erdogan ayaa si kulul u cambaareeyay  ayaa sheegay in tilaabooyinka Ruushka iyo duqeynta ay ka wadaan Suuriya aan la aqbali Karin isagoo intaa raaciyay in uu u sheegay Putin naftiisa in ay dambi galayaan.

Erdogan waxaa uu si cad ugu eedeeyay dalalka Ruushka iyo Iran in ay kaligii taliyaha iyo Dhiigyacabka Asad ay nasiib darro ku gacan siinayaan xasuuqa Suuriyaanka.

Moscow oo arbacadii bilowday duqeynta  iyadoo sheegtay in duqeynteeda ay ku wajahan tahay oo kaliya Daacish iyo kooxo kale lakin NATO ayaa

Goobjoog News