U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan “ Umadda Soomaaliyeed Waxaan rabaa Inaan u Sheego Calankooda Waa Calankii La Taagay 26-ka June 1960” (Dhageysi)

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgalay munaasabad lagu maamuusayay maalinta Calanka Soomaaliyeed oo ka dhacday xarunta dowladda Hoose ee magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay arrimo badan oo calanka ku saabsan.

Ugu horeen shacabka Soomaaliyeed ayuu madaxweynaha ugu hambalyeeyay maalintaan qiimaha badan, waxaana uu ku dheeraaday ka hadalka qiimaha calanka uu leeyahay.

Dhinaca kale madaxweynaha ayaa waxba kama jiraan ku sheegay warar maalmahaan dambe uu sheegay in lagu soo qorayay Internetka oo ah in calanka Soomaaliyeed isbedal lagu sameynayo.

“Waxaa nasiib darro ah waayadaan dambe in dadka Soomaali ah oo raba in dadka Soomaaliyeed niyadda ka dilaan, baryahaan waxay suuqa geliyeen sida Internetyada calanka waa la bedalayaa, xidigta ayaa la bedalayaa, waxaan rabaa in aan halkaan ka cadeeyo warkaasi waa been, maanta waa fursad umadda Soomaaliyeed waxaan rabaa inaan u sheego calankooda waa calankii la taagay 26-ka June 1960” ayuu yiri madaxweynaha.

Dhinaca kale madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed looga baahan yahay in ay kaalin xooggan ka qaataan horumarka dalka iyo in gacmaha la’is qabsado.

Maanta oo kale, Sanadka walba waxaa dalka laga xusaa maalinta Calanka, waa maalin ka tarjumeysa Qarannimo, Midnimo iyo  gumeysi naceyb, 61-sano ayaa ka soo wareegatay markii la sameeyay Calanka, Calankeeda waxaa uu leeyahay Sooyaal qiimo badan oo dal iyo dibadba lagu faano.

Taariikhda Calanka Soomaaliya kama bilowdo xilligii ay Soomaaliya ku jirtay Maxmiyadda, oo waxaa jiray isku dayyo badan oo ay sameeyeen SYL xitaa ka hor inta aan Soomaaliya loo dhiibin Talyaaniga.

Maxamad Cawaale Liibaan, Calanka waxaa uu ku sameeyay wax ka yar 24 saac, lakin waxaa uu noqday Calan umadda Soomaaliyeed ka tarjuma, isagoo soo bandgigay

Xiddigta cad ee shanta gees leh waxaa ay ka tarjumeysaa Shanta qeybood ee dhulka Soomaalidu degto ka kooban yahay

Midabka buluugga khafiifka ah waxaa uu ka tarjumayaa  Cirka iyo badda dhulka Somaalida oo mar walba midabkoodu buluug yahay.

Riix Halkaan Si Aad u Dhageysato Khudbadda Madaxweynaha