U bood dhigaalka

Mas’uuliyiin Iyo Xildhibaanno Ka Tirsan Jubbaland Oo Garbahaarey u Jooga Xallinta Xiisad Ka Jirta Degmadaas

Sheeko:Dalka

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Jubbaland Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag iyo xildhibaanno ka tirsan Jubbaland ayaa degmada Garbahaarey waxay u joogaan sidii ay ku xallin lahaayeen xiisad maalmihii ugu dambeeysay ka jirta degmadasi.

Wafdigaan ayaa waxay la kulmayaan waxgaradka degmadaasi ku sugan, siyaasiyiin iyo Odayaasha dhaqanka ah, iyadoo la doonayo in la xalliyo wax walba oo jira.

Mid ka mid an nabadoonada ku sugan Garbahaarey oo diiday in la magac xigto ayaa u sheegay Goobjoog News, in la xallin doono wax walba oo muran ah kana jira degmadaasi.

“Magaalada waxaa ka socda xalinta xiisadii siyaasadeed ee maalmahaan jirtay, waxaana madaxweyne ku xigeenka uu kulamo la leeyahay Siyaasiyiinta Maxamed Cabdi Kaliil oo xilka gudoomiyaha gobalka laga qaaday iyo gudoomiyahii hore degmada Garbahaarey Iimaan Cadow Kaarshe” ayuu yiri Nabadoonka.

Shacabka ku dhaqan degmada Garbahaarey ayaa dhowraya waxa kasoo baxa wada hadalladaan, maadaama degmada maalmihii ugu dambeeyay ay noqotay mid qalqal siyaasadeed ku jirtay.

Goobjoog News