Xildhibaan Cabdirashid Cabdullahi Maxamed oo ah guddoomiya guddiga Howlaha guud ee Baaralamaanka(Tamarta, garoomada, Dekadaha iyo Gadiidka) ayaa wareysi gaar ah uu siiyay Goobjoog News ku sheegay in aanay jirin dad aqoon leh oo ka shaqeeyay Hawada Soomaaliya isagoo dhaliilay Mashruuc dhawaan lagu dhagax dhigay Xaruntii laga hagi lahaa hawada Soomaaliya.
Xildhibaanka waxaa uu sheegay in dhawaan la dhaxa dhigay xaruntii laga hagi lahaa hawada Soomaaliya iyo in Mid kale la dhagax dhigi doono Hargeisa, Xildhibaanka ayaa ku dooday in hawadii oo gacanta Soomaaliya ka maqan 25 sano dhagax dhig aanu wax Micno ah soo kordhineyn.
Xildhibaan Cabdirashid waxaa uu qabaa in dowladda aanay heyn Wadadii ay ku soo celin laheyd hawada Soomaaliya, iyadoo horay u sheegay in hawada la soo celin doono January 2014, hadana uu sii dhamaanayo 2015.




From the comments