U bood dhigaalka

Doorashada Baarlamaanka Masar oo Ka Bilaabatay Gadaha Dalkaas

Sheeko:Dalka

Doorashada Baarlamaanka dalka Masar ayaa marxaladeeda koobaad waxaa ay maanta ka bilaabatay dalka Masar, doorashada waxaa ka qeyb galaya axsaab kala duwan halka Xisbiga Nuur uu Matalayo Islaamiyiinta Masar.

Xaaladda amaanka dalka ayaa aad loo sugay, ilaa saaka waxaa safaf dhaadheer ku jira dadka doorashada u soo baxay 24 gobol, dadkan waxaa ay gaarayaan 24 Milyan.

Marxaladdan koobaan waxaa lagu wadaa in la doorto 226 Kusri, Waxaana lagu wadaa in maanta ay socoto ilaa 9ka Fiidnimo.

Doorashadan waa Kormeeraya 87 urur oo ay ku jiraan ilaa 6 urur oo dowli ah, Waxaa kaloo Gacanta kula jira ilaa 16 Kun oo Garsoore oo Masaari ah.