U bood dhigaalka

Dabaylo Ku Dhuftay Deegaannada Ku Dhaw Xeebaha Ee Puntland

Sheeko:Dalka

Dabaylo xooggan ayaa la sheegayaa inay ku dhufteen deggannada ku yaalla Xeebaha ee maamulka Puntland Qaarkood.

Agaasimaha guud ee wasaaradda Kalluumeysiga iyo kheyraadka badda ee maamulka Puntland C/qaadir Xaaji Yuusuf, oo saxaafadda la hadalay ayaa sheegay in ay wadaan dadaallo ay dadka uga rarayaan deegannada xeebta ah, islamarkaana ay jiraan khasaare.

Waxa uu sheegay in Doon laga leeyahay dalka Iiraan ay badda ku degtay, islamarkaana dadkii saarnaa laga helay Hal qof oo kaliya, islamarkaana lasoo badbaadiyay qofkaasi, mana aanu sheegin in dadkii kale ay dhinteen iyo in kale.

Badda oo dhan ayaa soo buux dhaafisay deegaanka Qandalla, sidoo kale dabalo xooggan ayaa waxay ka socdaan deegaannada Baargaal iyo Gumbax oo weli aan la ogeyn waxyeelada ka dhalatay.

Agaasimaha ayaa xaqiijiyay in badda laga soo saaray dhammaan wixii Doomo ahaa, islamarkaana la’isugu keenay magaalada dhexdeeda ah.

Cabsida ugu daran ayuu sheegayaa inay tahay badda oo sii kacdo maadaama mowjado culus ay ka dhex jiraan, sidoo kalena dabaylaha laga yaabo in dhibaato cusub ay ka dhalato.

Weli khasaare rasmi ah oo dhimasho ama dhaawacyo ah oo la hubo lama soo sheegin, marka laga tago doomaha baddu la tagtay, guryaha burburay iyo weli xaaladda oo adag.

Goobjoog News