U bood dhigaalka

Ra’iisul Wasaare Cumar Oo Maanta Booqday Xeryaha Qaxotiga Ee Dhadhaab

Sheeko:Dalka

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa maanta oo Jimco ah waxa uu booqday Xeryaha qaxootiga Dhadhaab ee Kenya, halkaasi oo uu kula kulmay hprjoogayaasha qaxootiga.

Wafdiga Ra’iisul wasaaraha uu hogaaminayay ee gaaray dhadhaab waxaa ka mid ah wasiirada Gaashaandhiga, Gudaha, Qorsheynta iyo Dhallinyarada ee xukuumadda Soomaaliya, iyaga oo u kuur galay xaaladda qaxootiga Soomaaliyeed ee xeryahaasi ku nool.

Afhayeenka xukuumadda Soomaaliya C/salaan Axmed Caato oo la socda wafdigan ayaa u sheegay Goobjoog News, in Ra’iisul wasaaraha uu dadkii uu la kulmay uu u sheegay in marnaba aanay jiri doonin dad xoog lagu kaxeeyo, islamarkaana cid walba oo diyaar u ah in dalka ay ku laabtaan lasoo celin doono.

Horjoogayaashii Qaxootiga iyo sidoo kale qaar ka mid ah dadkii shacabka ahaa ee maanta Ra’iisul wasaaraha uu la kulmay ayaa waxay u sheegeen inay jecelyihiin in si nabad ah ay dalkooda ugu laabtaan.

Ra’iisul wasaare Cumar ayaa markii uu dhameeyo booqashada Xeryaha Dhadhaab waxa uu usii gudbi doonaan shir ballaaran oo ka dhici doona Malta, kaasi oo looga hadli dooni arrimaha qaxootiga.

Xeryaha Dhadhaab waxaa ku sugan Soomaali aad u badan, kuwaasi oo dalka ka bareakacay wixii ka dambeeyay burbuka dowladii dhexe ee dalka.

Goobjoog News