U bood dhigaalka

Muqruq Maalka Soomaaliyeed Ee Guryaha Dhisa Oo Aan Haysan Difaacyo Gacmeed

Sheeko:Dalka

Ururka shaqaalaha Soomaaliyeed ayaa arrin Qatar badan ku tilmaamay habka shaqaalaha muruq-maalka ah kuwooda gurayaha dhisa ay shaqadaasi u qabtaan.

Madaxa ururka shaqaalaha Soomaaliyeed Maxamed Cismaan Xaaji ayaa sheegay in shaqaalaha gacmahooda guryaha ku dhisa iyadoo aysan haysan gacmo gashi ka difaaca dhagaxa iyo shamiitada ay waxyeello ka soo gaarto shaqaalaha.

“Haisteeda ayeey leedahay marka qofka dhisaya guriga uu gacamahiisa oo aan gishad lahayn uu dhagax ku qaado, ama shamiinto ku qaso, waa dhibaato badan tahay” ayuu yiri Maxamed Cismaan

Waxaa kaloo uu sheegay in shaqo qof Soomaali ah qaban karo uu xiligani dalka ka qabanayo qof kale oo Ajnabi ah iyadoo dhallinyaradu shaqo la’aan ka cabanayso.

“Waxaa jira shaqooyin ay awoodaan dhallinyarada Soomaliyeed laakiinse la arkayo howshaasi oo ay hayaan dad ajaaniib ah”

Muruqmaalka Soomaaliyeed ee dhisa guryaha ayaan haysan qalab ku filan sida kuwa difaaca ah iyo sidoo kale agabka gacamaha si ay uga difaacdo Shamiintada (Sibir) iyo waxyeelada gacmaha.

Goobjoog News