U bood dhigaalka

Shir Looga Hadlayo Qaxootiga Afrika Oo Ka Furmaya Malta

Sheeko:Dalka

hogaamiyayaasha dalalka Midowga Yurub iyo Afrika oo ka wadahadlaya xaalada cakiran ee qaxootiga badan ee tagaya Qaaradda Yurub.

Shirkan waxaa ka qeyb geli doona wafdi balaaran oo ka socda dowlada Federaalka Soomaaliya oo uu hogaaminayo Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid iyo qaar kale oo ka mid ah hogaamiyayaasha Afrika, dalka Soomaaliya ayaa kamid ah wadamada sida gaarka ah Midowga Yurub uu u siiyo dhaqaalaha isla markaana xiligan doonayo inuu ka dhaadhiciyo dib u celinta qaxootiga kasoo jeeda wadamada Afrika.

Qaar kamid ah qodobada shirkan oo ay baahiyeen warbaahinta Yurub ayaa si weyn loo cambaareeyey.

Dalalka Midowga Yurub ayaa qodobada ay doonayaan inay Dowladaha Afrika ka dhaadhiciyaan ayaa kamid ah:-

-In Wadamada Afrika ay qaabilaan Boqolaal kun oo ah qaxootiga Afrikaanka ee hada ku sugan gudaha Yurub oo la doonayo in dalalkooda dib loogu celiyo.

-Midowga Yurub ayaa u balan-qaadi doona dalalka Afrika deeq dhaqaale oo ay ku bedalanayaan dadka qaxootiga ah ee loo soo celin doono.

-Sidoo kale Midowga Yurub ayaa sheegay inuu khafiifin doono VISA ama dal-ku-galka la siinayo Shaqaalaha Afrika ee khibradda leh ee doonaya inay ka shaqeeyaan dalalka Yurub.

Qodobadan ayaa xiisad ka dhalaty durbaba iyadoo lagu eedeeyey Midowga Yurub inuu doonayo inuu tarxiilo qaxootiga ay u culeyska u arkaan, isla markaana doonayaan inay lacag kusoo gataan shaqaalaha khibrada-leh ee Afrikaanka ah ee dhisi kara dhaqaalaha Yurub, iyadoo la wiiqinayo tirada dadka khibradfa leh ee Afrika ku nool taasi oo dhibaato hor leh u keeni karta Qaarada Afrika oo horey dhibaato uga heysatay in mutacalimiintooda isaga tahriibeen.

Midowga Yurub ayaa u balan qaaday wadamada Afrika inay siin doonaan lacag gaareysa 3.4 Bilyan oo looga caawinayo dalalkaas Afrika dib u dejinta dadka dib loogu soo celin doono, qorshahaasi oo lagu wado in maanta lagu soo bandhigo shirka ka furmaya jasiirada Malta.