Warbixin: Jubbaland, KDF iyo Al-shabaab oo la sheegay in ay ka dhaxeyso Wada Shaqeyn iyo Axmed Madoobe oo Arrinkaas Inkiray
![](https://goobjoog.com/content/uploads/2015/05/Madoobe.jpg)
Sida lagu sheegay warbixinta ay soo saareen Journalists for Justice waxaa faai’do lagu qiyaasay ilaa $400 million oo laga helay Sokorta laga dajiyo dekadda Kismaayo qeynsaday Ciidanka Kenya, Jubbaland iyo Al-shabaab.
Warbixinta ayaa sheegtay in ilaa 150,000 oo Tan oo Sokor sharci darro ah loo dhoofiyo dalka Kenya iyadoo la sii marinayo dekadda Kismaayo.
In ka badan 3000 tones lagu qaaday 230 oo taraag oo ay saran yihiin 14 tones ayaa Kenya loo qaadayaa iyadoo la sii mariyo Kenya sidaa waxaa lagu sheegay warbixinta.
Ciidanada Militariga Kenya oo loo yaqaano KDF iyo Jubbaland oo Wada Maamula Dekadda Kismaayo ayaa waxaa ay ka qaadaan $2 halkii Rool oo Sokor ah, arintaas oo keeni karta in Todobaadkii laga helo lacag dfhan $25,000 ama $13 million sanadkii.
Xiriirka la sheegayo in uu ka dhaxeeyo Jubbaland, Kenya iyo Al-shabaab waxaa uu soo baxayaa xili hay’adda UN Monitoring Group for Somalia and Eritrea ayaa sheegeen in Al-shabaab ay Sokor ka heshay lacag badan $400,000 $80,000 sanadkii 2011.
Warbixintii UN Monitoring Group for Somalia and Eritrea waxaa lagu sheegay in Jubbaland, KDF iyo Al-shabaab ay ka wada faa’idaan Dekadda Kismaayo
Al-shabaab waxaa ay qaadataa sida warnixinta lagu sheehgay $12.2 million sanadkii, $23,000 todobaadkii, waxay hal gaari ka qaadaan $1050, waa gawaarida ka baxda Kismaayo ee aada xadka Soomaaliya iyo Kenya.
Degmada Dhobley, Maamulka Jubbaland waxaa uu halkii gaari oo sokor ah ka qaadaa ilaa $ 600, waxaa kaloo dadka Gaadiidka leh ay lacag siiyaan KDF halkii Gaari ilaa $600 oo ciidanka Militariga ah iyo $600 oo Booliiska xadka ah.
Waxaa intaa dheer Xiriirka dhuxusha ee dhinacyada aan ka soo hadalnay oo Warbixinta ay sheegayso in sidoo kale ay wadaageen faa’ido badan.
Dhinaca kale, waxaa jimcihii eedeynta Warbixinta ku qoran ka jawaanay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Islaan Madoobe oo isagoo Nairobi jooga waxba kama jiraan ku tilmaamay warbixintan
Madoobe oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in aanu ogeyn ganacsi sharci darro oo Dhuxul ama Sokor oo ka socda dekadda Kismaayo.
Warbxin uu akhriyay Xogheyntiisa joogtada ah Abshir Maxamed waxaa lagu sheegay in Ciidamada Kenya ay mas’uuliyadoodu tahay ka shaqeynta Amniga iyo soo celinta nabadda.
“Waxaa wax laga xumaado ah warbixintan”Madowga iyo caddanka ah” ee uu soo saaray nin u dhashay Inagiriiska, kaas oo aan aqoon mas’uuliyadda iyo kaalinta Jubbaland ee dekadda Kismaayo iyo xitaa kaalinta AMISOM ee howlgalka Sector II iyo guud ahaan dalka”.
Warbixinta Jubbaland waxaa lagu sheegay in laga been abuurtay isla markaana wax sharci darro aanay ka socon gudaha Jubbaland.
Goobjoog News