Ciidamada Dowladda Oo Howlgallo Dad Badan Lagu Qabtay Ka Sameeyay Degmada Wadajir
Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaya kuwa AMISOM ayaa howlgal la sheegay in amniga lagu xaqiijinayo waxay ka sameeyeen degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.
Howlgalkaan ayaa si gaar ah waxay uga sameeyeen xaafadda Siliga ee degmada Wadajir, iyadoo rag u badan dhallinyaro lagu soo qabtay howlgalkaasi.
Qof ku sugan xaafadda ay ciidamada howlgalkaan ka sameeyeen ayaa u sheegay Goobjoog News, in intii uu howlgalka socday in aanu xaafadaasi ka jirin dhaq dhaqaaq ganacsi iyo midka dadweynaha intaba.
Maamulka degmada Wadajir iyo sidoo kale saraakiisha amniga dowladda Soomaaliya ee gobalka Banaadir weli wax faah faahin ah kama aanay bixin ulajeedka howlgalkan iyo sidoo kale tirada dadka la qabtay inta ay la egtahay.
Mararka qaar ciidamada dowladda Soomaaliya oo kaashanaya kuwa AMISOM ayaa howlgallo amniga lagu sugayo waxay ka sameeyeen degmooyinka magaalada Muqdisho.
Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale
Goobjoog News