U bood dhigaalka

Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland Oo Sheegay Dhibaatooyin Ka Jira Ceerigaabo

Sheeko:Dalka

Wasiirka wasaaradda gaashaandhiga maamulka Somaliland Axmed Cali Cadami ayaa sheegay in dhibaato ay ka jiraan magaalada Ceerigaabo ee gobalka Sanaag oo uu tilmaamay inay ku dhex jiraan shaqsiyaad dhibaato sameeya.

Waxa uu tilmaamay wasiirka in aysan jirin cid si gaar ah isku xil saartay wax ka qabashada arrimo badan oo ka jira degmadaasi, sida amniga iyo arrimaha bulshada.

Cadami ayaa tilmaamay in marnaba aan laga aamusi karin wax walba oo xumaan ah, si wax looga qabto, laakiinse waxa uu sheegay hadii wax walba ka aamusaan ay dhibaato u keeni karto dadka shacabka ah.

“Dowladda wixii xun waa loo sheegayaa, yaan la dhihin yaan la sheegin waxa jira, Ceerigaabo waxaan ku duceystaa inaan dhiman anniga oo wax u qaban, wey iska jiraan waxyaabo dhibaato ah, sida tuugo dadka dhibaysa iyo wax la mid ah” ayuu yiri wasiirka.

Ugu dambeyn wasiirka gaashaandhiga Somaliland Axmed Cali Cadami ayaa ugu baaqay shacabka ku dhaqan magaalada Ceerigaabo iyo maamulkooda inay u istaagaan la shaqeynta ciidanka amniga iyo dib u dhiska magaaladaasi.

Goobjoog News