U bood dhigaalka

Xildhibaan Shariif Cabdalla “Gaalkacyo Maamul Gaar Ah Haloo Sameeyo”

Sheeko:War

Xildhibaan Shariif Maxamed Cabdalla oo ka tirsan baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in nabad ka dhalata magaalada Gaalkacyo ay tahay in la sameeyo kaliya maamul ay u dhan yihiin dadka ku dhaqan magaaladaasi.

Waxa uu sheegay in dhibaatada ugu daran ay tahay in aanay jirin xad rasmi ah oo Labada dhinac kala qeybiya, dadkiina ay yihiin dad walaalo ah misane wada deggan.

Muhiimadda Koowaad ee xilligaan loo baahan yahay ayuu sheegay inay tahay in la damiyo colaadda Gaalkacyo, sidoo kalena la’isku keeno dhinacyadii dagaallamay.

“Magaalada Gaalkacyo waa arrin u baahan in ay yeelato maqaam gaar ah, in loogu fikiro maamul gaar ah, in la sameeyo qaab loo wadaago maamulka magaaladaasi, kol ay noqoto deegaanka Bartamaha ah, dhinacyada Waqooyi iyo Koonfur markaas maamulkaasi ha raacaan, meelaha sidaas oo kale waxaa lagu maareeyaa in hab cilmi ah loo fikiro, maamul gaar ah bay yeelan kartaa” ayuu yiri xildhibaanka.

Magaalada Gaalkacyo waxaa ka kala arrimiya maamullada Puntland iyo Galmudug, mararka qaarna dhinacyadaasi waxaa dhex mara dagaallo dhiig ku daata, sida midka hadda xalkiisa lagu jiro oo kale.

Goobjoog News